Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda
Su’aasha:
Asc dr waxan kuwaydiyay samoyinka 7da aha waxay kasamaysanyihin ìyo magacyadoda mahadsanid
Jawaabta:
Samadaha iyo waxa ay ka samaysan yihiin xadiiska kusoo arooray waa xadiis aan saxiix ahayn, sidoo kale magacyada oo kusoo arooray xadiis mid kaste inay magac leedahay.
Marka Ilaahay wuxuu noo sheegay inay jiraan toddabo samo oo ay is dulsaaran yihiin dabaqyo iyagoo ah, wuxuu ku yiri Alle quraanka kariimka:
(الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلْقِ الرَّحْمَٰنِ مِن تَفَاوُتٍ ۖ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُور)
(Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah)
Wuxuu yiri Alle (SW):
(أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا)
(Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran)
Magacyada xadiiska saxiixa aan ahayn lagu sheegay waa kuwan:
Samada koowaad | Raqiic | رقيع | السماء الدنيا |
Samada labaad | Qayduum | قيدوم | السماء الثانية |
Samada sedexaad | Maaruum | الماروم | السماء الثالثة |
Samada Afaraad | Arfaluun | أرفلون | السماء الرابعة |
Samada Shanaad | Hayfuuf | هيفوف | السماء الخامسة |
Samada lixaad | Caruus | عروس | السماء السادسة |
Samada toddobaad | Cajmaa | عجماء | السماء السابع |
Waa maxay xidiga dhaariq الطارق