Markaan Xaaskayga la joogo Dareenkaygu ma badna talo i siiya

Su’aasha:

Asc waaan Idin salaamay Su.aasha aan Qabo ayaa ah Waxaan ahay Nin Xaas iyo Laba caruura leh inta badan Safaro ayaan u baxaa shaqaydayda ah Markaan Xaaskayga la joogo Dareenkaygu ma badna Anoo Hawl bilaaba mooyee sida Taataabosho ama istiimis iyo wixii la mida lkn Markaan tago ee baxoo shaqooyinka safarada waxaan isku arkaa Dareen aad u badan xasuuso hore, Riyo, iyo wax la midaa hadii aan ba la soo hadlo oo aan soo waco markaaba Dareen badan oo aan Xadlahayn ayaan dareemayaa maraan is dhahoo seexo mararka Qaar ayaan seexan kari waayaa oo Kacaa Quraan akhrisaa ama salaaad Tukadaa Maxay Tahay Sababtu? waad Mahadsantihiin👍🏽

Markaan Xaaskayga la joogo Dareenkaygu ma badna talo i siiya
Markaan Xaaskayga la joogo Dareenkaygu ma badna talo i siiya

Jawaabta:

Marka aad safarka gasho dareenka waxaa kuu keenaya muddada badan aad moogan tahay ama fikirka kahayaalka aad kusoo celcelinayso, marka aad la joogtana waad haysataa wixii aad rabtay, waxaa kaloo jira nafsi ahaan qofka markuu shayga ka maqan yahay wuu ku waalanaa waana raboonaa, laakin marka uu gacanta ku hayo ma daneeyo, marka waxa ku haysto waa nafsi ee dhib jirka makaa haysto, taasna waxaad ku sixi kartaa, inaad badiso sheekada xaaskaaga oo aad shukaansi iyo raaxo aad la gasho marka aad timaado, qaababka taaxada aad wax ka badasho, wixii aad soo xusuusan jirtay markaad ka maqanayd aad soo ceshato adoo iyada la joogo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More