Maloo soomi karaa qof dhintay

Su’aasha:

Asc sh. Waxan rabay inaan ku su.aalo abahay oo iga dhintay miyaan u soomi karaa oo waxan go.aan saday inaan soomo isniinta oo aan u hibeeyo ajarkaas abahay anigoo si niyad leh u soomay isniinta kuxigtona waxan rabaa inaan u soomo hadana aan u duceeyo yacni isniin duco isniinta labaadna waan u hibeen lahaa caadi soomahan shekh oo aqbal matahay mida kale soonka inta lagu lahaa magaranayo lakin soonkas xitaa wuxu donaba ha ahaade intaan noolahayba inaan u soomo oo aan ka gudo ayan rabaa macqul somahan shekh

Shekh su.aal kale ayaa jirta qur.aan markaan aqriyo waxan dhahaa ilahayow ajarkan abahay ayan ugu tala.galay ee u gee ma caadi baa iyo waxan dhahaa 10 jeer

لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير
iyo 10 jeer

استغفر الله العظيم الذي لاإله إلا هو الحي القيوم واتوب اليه

waxaana dhahaa ilahow ajarkaas abahy u hibeeye ugee oo u naxriiso shekh iga.jaahil bixi haday wax iga qaldan yihin anigu waan maqlay waana sameeya.

Maloo soomi karaa qof dhintay
Maloo soomi karaa qof dhintay

Jawaabta:

Soon nadar  (shardi) ah haddii lagu leeyahay waad ka soomi kartaa, laakin soon sunna ah qof dhintay looma soomo, laakin haddii aad soonto marka aad afurayso aad u duceyso waa wax fiican.

Ducadaas inshaa Allaah way gaaraysaa.

ama inaad sadaqo u bixiso, ama marka aad quraanka akhriso inaad u duceyso oo aad Alle weyddiisato inuu gaarsiiyo ajirka quraanka.

 

Adkaarta iyo ducada waqtiga hurdada halkan ka daawo

 

If you are obligated to fast, you can fast, but if you fast and pray for him when you break your fast, it is good.

That prayer will reach you, God willing.

Or you can give him charity, or when you read the Quran, you can pray for him and ask God to grant him the reward of the Quran.

Leave a Reply