Site icon Daruur درور

Magacuyaalka ME ee ingiriiska iyo sida loo adeegsado

Magacuyaalka ME ee ingiriiska iyo sida loo adeegsado

Magacuyaallada afka ingiriiska waxaa ka mid ah magacuyaalka “me” oo ah magacuyaal layaleedka quman oo falka toos ugu dhaco, wuxuu imaanayaa falka kadib sida tusaalooyinka soo socda ku cad.

Magacuyaalka "me" ee ingiriiska iyo sida loo adeegsado
Magacuyaalka ME ee ingiriiska iyo sida loo adeegsado

Wuxuuna magacuyaal u yahay shakhsiga koowaad oo fardi ah aan dad kale la socon.

Afka soomaaliga waxaa ku aaddan xarafka  “i” mararka qaar oo noqda “ii” marka horyaale la xiriiro.

Tusaalooyinkan waa weero ingiriis oo uu ku jiro macauyaalka “me” waxaana loo tarjumay macnaha weerahan af soomaali iyo af carabi.

English Arabic Soomaali
send me أرسل لي ii soo dir
help me ساعدني i caawi
watch me راقبني i ilaali
teach me علمني i bar
follow me اتبعني i raac
 leave me اتركني iga tag
call me اتصل بي isoo wac
take me خذني i qaad
tell me أخبرني ii sheeg
let me دعني i daa
give me أعطني i sii
hit me اضربني i dhufo
kiss me قبّلني i dhunko
carry me احملني i xambaar
pull me اسحبني i jiid
push me ادفعني i riix

 

Marka xarfaha ingiriiska CH oo loogu dhawaaqo K

Exit mobile version