Site icon Daruur درور

Ma soomi karaa si lacag aan cunay u gudo

Su’aasha:

Asc wllo.

Walal waxan ka raba Talo waa midii alle waxan cunay lacag xaraam ah ninka aan ka cunay lacagta inaan u tago ii caafi ma dhihi karo waan ka cabsanaya Tankale waan ka towbad keenay inan mardambe cuni doonin lacag xaraam ah. Haddana ma awooda inan lacag celiya ma haysto lacagta aan ku celin laha Madama awoodin lacagta ma soomi kara sida uu alle igu sahlo inan bixiyo lacagta Haddii aan 7 bari oo xariir sooma lacagtas alle ma ii sahla. Thanks wllo.

Ma soomi karaa si lacag aan cunay u gudo
Ma soomi karaa si lacag aan cunay u gudo

Jawaabta:

Waajib ayay kugu tahay inaad u celiso qofka aad lacagta ka cuntay, waad ka towbad keeni kartaa laakin towbadaada waxay ku xiran tahay inaad guddo lacgaas.

Haddii aad soonto si ilaahay aad u baryiso inuu kuu sahlo ama uu ku siiyo wax aad ku guddo dhib ma laha, camalka suuban waa lagu tawasuli karaa Ilaahay waa loogu dhowaan karaa.

Exit mobile version