Ma jiraa xal lagu yareeyo shahwada ku gubeysa

Su’aasha:

Asc wll aniga waan iska dayn waayey siigeysiga xittaa waan ducaystey wali waa sidii, waan sameeyey soon iyo talaabooyin la bixiyey si la iskaga joojiyo dhammaantood waan sameeyey lkn isla markiiba shahwo ayaa igubeyso illaa aan ka sameeyo middaasina ma dagayo wax walba samee arrintaa inaan sameeyo uun weeyaan, mopelka waa musiibada ugu ama jidka ugu weyn ee sahla siigeysiga lagamana ahaan karo issaga iyo netkiisa aniga taasi waan ka daalay, mar kasta aan qabsado waxaa waqti kadib kusoo dhacayso maskaxdayda muuqaalada xun daawashadooda, kuley dhibkan i haystaa halka ugu weyn waa mopelka, haddana waxaan isku arkay dareenkayga oo zaa’id ah

walaal ma jiraa daawooyin la istecmaalo dabiici ama kuwa kaleba teeda kle ma jirtaa shabakad kaa xirta muuqaalada xun xun wllhi billhi musiibadan illaa hadda igama aysan harin ( siigeysiga ) wax walba waan sameeyey lkn maya maya, mopelkana kama ahaan kari issaga iyo netkaba waana kuwa ugu daran igu ridaya musiibadaas….

WALAAL MA JIRAA XAL AH ISKA YAREYNTA SHAHWADA KU GUBEYSA KADIB KUU SABABAYSA FALKAAN ?

MAHADSANID WALAAL

Ma jiraa xal lagu yareeyo shahwada ku gubeysa
Ma jiraa xal lagu yareeyo shahwada ku gubeysa

Jawaabta:

Dhibka ku haysta waxaa xal u ah go’aan adag inaad qaadato, raggana go’aankaas ayay ku kala tageen, haddii daawo aad cabto oo kaa reebaysa shahwada waxaa laga yaabaa mustaqbalka inay saameys kugu yeelato, markaad guursato, haddii aad app kusoo dejiso mobeelka oo reebaya muuqalada xunxun markaad shahwo dareento waad furaysaa illeen naftaada ma reebi kartidee saad sheegtay, xalka wuxuu ku jiraa go’aan adag iyo Alle ka cabsi oo dhab ah, in badan ayaan ka hadalnay sida loola dagaallamo arrimahan oo kale, webka ayaad ka heli kartaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More