Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof?
Su’aasha:
Hooyadey Eedadeed Aabaheeda qabo balse ka dhintay weyso ma iga jabisaa mida kalana Gabadha aan adeerka u ahay lkn hooyadeed aan qabo gabadhaas gabdhehee dhasho weyso ma iga buriyaan.

Jawaabta:
Hooyadaada eedadeeda oo aabbaheeda qabo waa xaaska awoowahaaga waxay kuu tahay maxram ma guursan kartid waxay kaa joogtaa meesha ayeeyadaada ay kaa joogto.
Quraanka ayaana laga qaadanayaa Alle wuxuu yiri:
(وَلَا تَنكِحُوا مَا نَكَحَ آبَاؤُكُم مِّنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۚ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَمَقْتًا وَسَاءَ سَبِيلًا)
(Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun)
aabbayaasha waxaa soo galaya awoowayaasha
Gabadha hooyadeeda aad qabto oo aad u galmootay iyadana ma guursan kartid waxay la mid tahay sida gabadhaada oo kale.
wuxuu yiri Alle: