Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof?
Su’aasha:
Hooyadey Eedadeed Aabaheeda qabo balse ka dhintay weyso ma iga jabisaa mida kalana Gabadha aan adeerka u ahay lkn hooyadeed aan qabo gabadhaas gabdhehee dhasho weyso ma iga buriyaan.
Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof
Jawaabta:
Hooyadaada eedadeeda oo aabbaheeda qabo waa xaaska awoowahaaga waxay kuu tahay maxram ma guursan kartid waxay kaa joogtaa meesha ayeeyadaada ay kaa joogto.