Ma guursan karaa gabar ina adreerkay dhalay

Su’aasha:

Asc ramadaan kariim Waxaan aad ooga helay gabar yar oo aan adeer koraad u ahay yacni wiil ilmo adeera nahay ayaa dhalay xarig ma ii qabtaa oo ma guursan karaa gabadhaas. Mahadsanidiin.

Ma guursan karaa gabar ina adreerkay dhalay
Ma guursan karaa gabar ina adreerkay dhalay

Jawaabta:

Walaal waad guursan kartaa gabadha uu dhalay nin aad ilmo adeer tihiin, ka mid ma aha naagaha maxaarimta ah oo guurkooda la reebay.

Dumarka aan la guursan karin si fiican ayaa loogu caddeeyay quraanka iyo sunnada nabiga (SCW).

Marka gabadha adeerka dhalay iyo gabadha ina dareerka dhalay kuma jiraan.

Dadka soomaalida waxay dhahaan xalaaddan oo kale dareer guur mudan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More