Site icon Daruur درور

Laba wejiilaha diinta maxay ka qabtaa

Laba wejiilaha diinta maxay ka qabtaa

Qofka labawajiilaha waa qof aad u liita oo ah halis.

wuxuu halis ku yahay bulshada uu la nool yahay, waa munaafuq waa jirjiroole marba si buu noqdaa.

Laba wejiilaha diinta maxay ka qabtaa
Laba wejiilaha diinta maxay ka qabtaa

Labawajiilaha waa midka dumiya bulshada muslinka,  sidaa awgeed diinta islaamka aad ayay uga digtay dhaqankan foosha xun.

Waa isla sifada munaafuqiinta oo bulshada muslimiintii hore nafta u keenay  mar kastana muslimiinta dhib ku haya.

Hadda samanka aan nool nahay aad ayay usoo bateen munaafuqiinta.

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(تجـدون شـر النـاس ذا الوجهين الـذي يأتي هؤلاء بوجـه، وهـؤلاء بوجه). المصدر

(Waxaad arkeysaan dadka kan ugu sharta badan waa midka labo wejiilaha, kuwan weji ayuu ula imaanayaa kuwanna weji kale).

  Diinta islaamka waxay dhigtay labawajiilaha boos aad u hooseeya waxay ka dhigtay dadka kan ugu sharta badan.

 

Sedexdan qof iska ilaali waligaa

Exit mobile version