Waa maxay kutirikuteen? waxaa laga wadaa kutirikuteenka hadlka aan la hubin oo la dhex wareejiyo bulshada inta badan wuxuu ku salaysan yahay geen oo ujeeddo laga leeyahay.
(Haddayna ka joogin munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa gilgili (beenta ku faafin) Madiina waanu kugu diri kulamana darsayaan wax yar mooyee).
(Qur’aanku waa hadalkii Alle uu u soo dhiibay Rasuul sharaf leh * Hadal gabayaana ma aha, wax yar ayaad rumaynaysaan (xaqa) * Hadal wax sheegana ma aha wax yar ayaad waantoomaysaan * (Qur’aanku) wuxuu ka soo degay Allaha Caalamka.)
Maalinta Xamraa Al-asad mushrikiinta waxay faafiyeen in Qureysh ciidan badan ay u diyaarisay weeraridda Madiina iyo la dagaallanka nabiga iyo asxaabtiisa, laakin muslimiinta diintooda ayay ku sugnaadeen, kutirikuteenka waxba kama tarin, Ilaahay wuxuu ku amaanay oraahdiisa:
(Ee ah kuwaa ay ku dhaheen dadku dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u siyaadiyey rumeyn, oy dhaheen kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaana u fiican wakiil * Oo la noqday nicmo Alle iyo fadli oyna taaban xumaan raacayna raalli ahaanshaha Alle, Ilaahayna waa fadli wayn lahaade).
Maalinta Xuneyn marka la faafiyay in nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – la dilay, nabiga wuxuu ka hortagay kutirikuteenkan asoo leh:
(أنا النَّبيُّ لا كَذِب ، أنا ابْنُ عَبْدِ المُطَّلب)
(Anigaa nabiga ah beenna ma aha, anigaa ah ina Cabdilmudalib)
(Addoonka wuxuu ku hadlayaa erey oo ka mid ah raalliga Alle asoon ka war haynin Ilaahayna darajooyinka uyuu ugu kordhinayaa, addoonka wuxuu ku hadlayaa erey ka mid ah carada Ilaahay asoon ka war haynin, naarta Jahannamo ayuu ugu dhacayaa) (Saxiix Albukhaari).
(Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen), wuxuu yiri rasuulka:
(Iska jira malada, malada waa warka ugu beenta badan, ha baarbaarina hana jaajuusina hana is xasdina hana isu jeedinina babada hana is nicina, noqda addoomaha Ilaahay oo walaalo ah)
wuxuu yiri Alle markuu sifada munaafuqiinta caddeynayay:
(Markuu u yimaaddo amar nabadgalyo ah ama cabsi way faafiyaan hadday u celiyaan xagga rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin fadliga Ilaahay korkiinna ah iyo naxariistiisa waad raaci lahaydeen shaydaan wax yar mooyee),
(Kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Alle hadal toosanna ku hadla * haydiin wanaajiyo camalkiinna hana idiin dhaafo dambigiinee, ruuxii adeeca Alle iyo rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan liibaan weyn)