Kursiga xukunka Soomaalida yaa u maceeyay

Kursiga xukunka ay soomaali isku haystaan, taariikhdiisa madow wax ka ogow qof kasta soomaaliah maxaa jeclaysiiyay xukun?

Qof marka uu noqonayo madaxweyne macnaheeda ma aha, isaga ayaa dadka ka fiican, ama ka sharaf badan, taas waxay ka dhigan tahay inuu yahay qof amaano qaaday oo la rabo inuu u adeego dadka ama shacabka.

laakin annaga soomaali haddaan nahay siyaad Barre wax xun ayaan ka baranay.

Kursiga xukunka Soomaalida yaa u maceeyay
Kursiga xukunka Soomaalida yaa u maceeyay

Taas oo ah qofka marka uu madax noqdo inuu meel kasta beeshiisa u dhiibayo, beeshiisana ay galayaan jannada adduunka, taas waxaa sameeyay Siyaad Barre, wuxuu siin jiray jagooyin meesha mareexaan, waxaa la og yahay in dad u dhashay beeshiisa oo laga keenay baadiya oo ahaa geel raacato, ayaa la fariisiyay xafiis dowladdeed, taariikhdu waa la wada og yahay.

soomaalida marka arrintaas ay arkeen, aad ayay u jeclaadeen xukunka, ilaaiyo hadda xukunka sidaas ayaa laga aaminsan yahay, inuu yahay fursad weyn lagu dhaqsi loogu taajiro.
sidaa awgeed madax kasta dalka qabto wuxuu ku dadaalaa inuu safar iyo faan iyo martiqaad ku mashquulo, isma weydiinayo sideen uga dhigaa dalkan mid ka fiican dalalka caalamka.

dal shaqo u baahan ayuu rabaa inuu wax kasii xado marka caqliga aaway intuu idinka galay soomaaliyeey, maanta haddii dalka la dhiso nabad la helo, qof kasta soomaali ah intaas shaqo yuu helaa, waxaan u baahanaynaa shaqaale inaan dibadda ka keenno, laakin meel yar ayaan wax ka aragnaa, tuugsiga ayaan la qabsanay iyo dawarsiga, adduunka ilxumo ayaa noo taalla.

Akhri gabaygan:

فإن كنت في شك فأين الأول

إن المناصب لا تـــدوم لواحــــــد

Haddaad ka shakisan tahay aaway kii hore Jagooyinka uma waaraan hal qof

فـــإذا عزلـــت فإنهـــا لا تعزل

فاصنع من الفعل الجميل فضائلا

Haddi lagu casilo wanaagga lama casilo Ka samee falka qurxoon wanaag
You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More