Site icon Daruur درور

Kitaabka quraanka weyso la’aan mala akhrinsan karaa

Kitaabka quraanka weyso la’aan mala akhrinsan karaa

Su’aasha:

Walaal anigoon Wayso qabin qur,aanka ma akhrisankaraa? Marar badan ayaa dhacda oo aan damco inaan qur,aanka akhriyo anigoon wayso qabin, kadib wan ka joogsadaa, wakhtiyada qaarna waan akhriyaa anigoo bilaa wayso ah.

Kitaabka quraanka weyso la'aan mala akhrinsan karaa
Kitaabka quraanka weyso la’aan mala akhrinsan karaa

Jawaabta:

Marka laga hadlo akhriska quraanka iyadoon kitaabka la taabanaynin taas way bannaan tahay qofka marka uusan janaabo qabin laakin waxaa fiican inuu weyso qabo, wuxuu yiri Imaam Annawawi:

( أجمع المسلمون على جواز قراءة القرآن للمحدث، والأفضل أن يتطهر لها)

(Muslimiinta waxay isku raaceen inay u bannaan tahay qofkaan weyso qabin inuu quraanka akhrin karo, waxaa fiican inuu u weysaysto).
Laakin taabashada musxafka ama inuu qofka ka akhriyo kitaabka culimada siday u badan yihiin waxay qabaan inaysan qofka u bannaanayn hadduusan weyso qabin, qaar yar ayaa oggol waxaa ka mid ah Alxaakim iyo Daawuud Addaahiri iyo Xammaad.
Waxay daliilsaden culimada aan oggoleyn aayadahan:

( إنه لقرآن كريم* في كتاب مكنون* لا يمسه إلا المطهرون تنزيل من رب العالمين)

(Quraanku waa shay sharaf leh * Wuxuuna ku sugan yahay Kitaab la dhawray * Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn * Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka), iyo xadiiskan:

(أن لا يمس القرآن إلا طاهر)

(Inuusan Quraanka taabanin qofaan daahir ahayn)

Culimada kale waxay leeyihiin aayaddan waxay ka hadlaysaa quraanka marka looxulmaxfuudka laga soo guurinayo malaa’ig daahir ah inay soo guuriyaan, ee lagama wado dadka, haddii dadka laga wadana dahaarada xadaska weyn ayaa laga wadaa sida janaabada oo kale.

Marka guud ahaan waxaa loo oggol yahay weyso la’aan inay taabtaan ilmaha yaryar oo quraanka baranayo taasna waxaa loo eegay baahida daran ay u qabaan haddii weyso lagu kallifo dhibaato ayay kala kulmayaan mar kaste inay u weysaystaan.

Qofka isagoo nigis xiran ma weyseysan karaa?

Exit mobile version