Kasbashada qalbiga dumarka
Kasbashada qalbiga dumarka
Su’aasha:
waxan ahay nin yar oo hadda guursan raba waxan donaya inaan kasbado qalbiga xaskayga, waxan maqlay dumarka qabab fiican ayaa jira oo qalbigooda lagu kasban karo ma ii sheegi kartaan.

Jawaabta:
Waxaa jira wax dadka oo dhan lagu kasbado iskaba daayee haweenka, waxaa wanaagga qofka dadka u qabanayao haddaad tahay qof dhaqan fiican leh oo geesi ah oo deeqsi ah oo caqli badan sidoo kale naxariis leh oo iska ilaaliya dadka inuu qalbiga ka dilo, waad kasban kartaa gabar kaste si kaste ay u kibir badan tahay, wuxuu yiri qof gabyaa ah:
أحسن إلى الناس تستعبد قلوبهُمُ * فطالما استعبد الإنسانَ إحسانُ.
wanaag u samee dadka waxaad addoomaysan quluubtoodee * waxaa badan inuu ixsaanka addoomaysanayo aadanaha
Marka waxa ugu weyn oo qalbiga gabdhaha lagu kasban karo waa ixsaan sidoo kale qof kaste koonkan ku nool waxaa lagu soo jiidan karaa ixsaan iyo wanaag, xataa cadowga markaad iska cafiso wuu is baddalaa.
Alle subxaanahu wuxuu yiri:
(وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ)
(Mana sinna wanaag iyo xumaan, ku reeb arrinta ugu fiican markaas midkii col idinka dhexeeyay wuxuuba noqon sida sokeeye iyo saaxiib)
raadraac
marka sidaa awgeed qofka wanaagga ku dhaqma dadka oo dhan ayaa jeclaada.
Gabdhaha nimanka dhaadheer waxay ku jecel yihiin
There is something that can be won over by all men, let alone women.
The good a person does for others is if you are a well-mannered, brave, generous, intelligent, and kind person who avoids hurting people from the heart,
you can win over any girl, no matter how arrogant she is.