Khadar nabi miyaa mise waa wali saalix ah

Su’aasha:

Wll, “khadir” ma Nabi ayuu ahaa mise wali ilaahay oo saalix ah ?

Khadar nabi miyaa mise waa wali saalix ah
Khadar nabi miyaa mise waa wali saalix ah

Jawaabta:

Walaal culimada muslimiinta way isku khilaafeen khadir (Nabi Khadar) inuu yahay nabi iyo in kale, waxaa badan culimada qaba inuu Khadir nabi yahay waxayna ka qaateen oraahda Alle markuu ka hadlayay nabi Muuse iyo ardaygiisa Yuushac:

(فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَا آتَيْنَاهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَاهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا ‎* قَالَ لَهُ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا)

(waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah ka barneyna agtanada cilmi * wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah).

Naxariista ku soo aroortay aayadda waxay tilmaamaysaa nabinimo sidoo kale cilmiga xagga Alle ka yimid isagana wuxuu tilmaamayaa nabinimo, sidaas oo kale Alle markuu ka hadlayay khadir wuxuu yiri:

 

(وَمَا فَعَلْتُهُ عَنْ أَمْرِي ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا)

(uma falin rayigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa), sidoo kale Khadir falalka uu la yimid oo ah dilka cunugga yar iyo duleelinta doonta masaakiinta iyo dhisidda darbiga agoomaha oo ah wax ghayb ah waxay xoojinayaan inuu nabi ahaa qof wali ah ma samayn karo arrintaas.

 

Gabadha aan dhiig ka imaanin habeenka aqalgalka maxaa u keeno

Muslim scholars disagreed about whether Khadir (Prophet Khadar) was a prophet or not.

Many scholars believe that Khadir was a prophet and they took from it the statement of Allah when he was talking about Prophet Moses and his student Yusuf:
The verse that appeared to him indicates prophethood, as well as the knowledge that came from Allah,

and he indicates prophethood, in the same way when Allah spoke about Khadir
Also, Khadir’s actions, which are the killing of a small child and the insulting of the poor and the building of a wall for orphans,

which are unseen, strengthen that he was a prophet. A lay person cannot do that.

Leave a Reply