Su’aasha:
Asc tan iyo qaan gaarkeygii waxaan isku arkay in aan aad u Xiiseeyo Darajada iyo sareynta waligay waxaan ku fakiri jiray in aan madaxweyne noqdo Waxaan aqrisadaa Qoraalada ku saabsan Diktaatiriinta iyo aas aaska rajiimyada waxaan qiyaasaa oo sawirtaa sida Nin kaliya Ku maamuli karo dal Si awood leh heer waxaan marayaa in cudur nafsi ah ay igu noqoto Kali talis nimada maxaayeelay Waxaa is khilaafaya Rabitaankeyga jano iyo raali gelinta ilaahay iyo Doonisteyda maamulka iyo madax nimada halkaasna waxaa ka dhasho isku buuq Xaga maskaxda iyo in dookha iga lumo oo aan kala dooran waayo in aan alle ka cabsiga iyo jidka toosan ku taagnaado iyo in aan raadiyo Xil iyo magac Xaaraan ah maadaama aan aaminsanahay Hogaaminta ku dhisan awooda iyo muquuninta waxaana ka Cabsanayaa in aan Dhiig u daadiyo Kursi dartii hadii mustaqbalka aan Siyaasada ku biiro maxaayelay waxaan aad u jeclahay Kali talis nimada aan geedka loogu Soo gaban Sida Kim jong un madaxweynaha North Korea
waan ogahay diiniyan inay banaaneen Kali talis nimadaas xad dhaafka ah aaqirkana keeni karto in Dhiig islaaam aad daadiso
Arintan aniga Kaliya dhib iguma heyso Bulshada iyo dadka aan la noolahayna Saameyn ayey kuyeelataa xiligeygii Schoolka waxaan ahaa Gudoomiye ku xigeenka iskuulkeena waxaana ahaa Kabtanka Kooxda kubada cagta ee iskuulkeena waxaana ahaa Gudoomiyaha midowga ardayda Degmadeyda Sidaas ay tahayna waxaa Ciil iyo cuqdad ka qabay in aan noqon waayey Gudoomiyaha iskuulkeena waxaan isku haystay qofka ugu mudan maadaama aan ahay Gudoomiyaha midowga ardayda in Kan iskuulkana aan noqon waayo waxay iila muuqatayba Daciif nimo iyo in aan awoodeyda ka faaiideysaneyn
Aabahay ayaa Wuxuu iisheegay mar anoon dhalan in Uu igu riyooday aniga oo boqor nimo la ii caleema saarayo Bahda Daruur Riyadaas waxaad iigu fasirteen in Sida looga riyooday ay ku fasirmeyso
Anigana waxaan iska dhaa dhiciyey in riyadaas inay furan ay ku xiran tahay dadaalkeyga iyo sida aan u raadiyo waxaan nafteyda ku canaantaa in aan u dadaaleyn si Qof leader ah u dadaali lahaa dadaalna iima yaro
Ugu dambeyn waxaan idin waydiinayaa Majiraa cudur nafsi oo magac leh kaasoo sababa Kali talis nimada.

Jawaabta:
Waxaan shaki ku jirin qof kaste ah kaligiitalie inuu nafsiyan u jirran yahay waxaa haya cudur nafsi ah waana kibir iyo islaweyni, taasna waxaa keena jcaylka nolosha aduunka oo xadka ka baxay, wuxuuna ka fogaanayaa qofkaas inuu u hoggaansamo Allaha isaga abuuray, wax hadda soo bilowday ma aha waqti hore ayaa la arkay dadka noocaas ah.
Heer qofka wuxuu gaaraa inuu aamusiyo qof kaste isaga hor istaaga mana oggolaanayo in hadal fiican loo jeediyo kaligiisa ayaa saxsan.
Quraanka wuu tilmaamay dadka noocaas ah:
Waxaa ka mid ah Namruud boqorkii gaalka ahaa oo la dooday nabi ibraahiimm wuxuu yiri Alle asoo arrintaas ka hadlaya:
(أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِي حَاجَّ إِبْرَاهِيمَ فِي رَبِّهِ أَنْ آتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ إِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّيَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا أُحْيِي وَأُمِيتُ ۖ قَالَ إِبْرَاهِيمُ فَإِنَّ اللَّهَ يَأْتِي بِالشَّمْسِ مِنَ الْمَشْرِقِ فَأْتِ بِهَا مِنَ الْمَغْرِبِ فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ )
(ka warran kii kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyay xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyay (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah).
Fircoon isagana meesha uu gaaray waad og tahay Alle asoo ka hadlaya wuxuu yiri:
(وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرِي فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ فَاجْعَل لِّي صَرْحًا لَّعَلِّي أَطَّلِعُ إِلَىٰ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ مِنَ الْكَاذِبِينَ)
(Wuxuu Yidhi Fircoon Madaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri Haamaanow Dhoobada iina Yeel Daar (dheer) inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u Malayn inuu Beenaale yahaye)
Wuxuu yiri Alle:
(قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ)
(fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra’yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah)
Adduunka intaas ayaa soo martay haddana dhamaantooda waxay ku jiraan dhulka, wax qiime ay leeyihiin ma laha, kuwa hadda joogana sidaas ayaa u dambaysa. Sawirkan tusaale ahaan u eeg waa afar qof caan ah iyagoo sakaraad ah waxayna ahaayeen kalitaliyeyaal:
