Site icon Daruur درور

Kacsiga Hurdo la’aan miyuu leeyahay?

Su’aasha:

Waxaan isku arkay hadaan kacsado hurdada igu adkaata habeenkii dhan waan soo jeeda saasey tahayna nin doob baan ahay ilaa aan ka siigeysto hurdo iga soo dhici meyso markaan tuurto baan xoogaa nafis iyo hurdo helaa sow lama orankaro siigadu waxay caafimaad u tahay iskaabulada.

Kacsiga Hurdo la'aan miyuu leeyahay?
Kacsiga Hurdo la’aan miyuu leeyahay?

Jawaabta:

Ninka marka uu kacsado hurdada way ku adkaanaysaa ama way ka qasmaysaa ilaa uu ka damo ama biyaha ay ka baxaan, marka adiga waxaa laga yaabaa inaad sii raaraacdo kacsiga iyo fikirka raaxada markaas way kaa sii tagaysaa hurdada.

Kacsiga inuu hurada reebo layskuma haysto waxaa la mid ah cabsida daran ama faraxadda xoogga leh iyagaba way reebaan hurada, laakin daawada sidaas ma aha, haddii aad siigo samayso oo aad is leedahay huradada ayaan ku keenaa dhibka kaasoo gaaraya ayaa ka weyn, marka waxaad ku keeni kartaa hurdada inaad jirkaaga daaliso inaad socoto ama sidoo kale shaqo inaad qabato iyo inaad ka saarto fikirka kacsiga iyo inaad ka fogaato daawashada filimada xunxun iyo dumarka qaawan niyaddana aad dejiso, sidoo kale inaad cunto qudaar ah ay ku jiraan toon iyo barbarooni waxay ka mid yihiin cuntooyinka hurada soo jiido.

Exit mobile version