Kacsiga aan daal lahayn ilaa 10 jeer

Su’aasha:

Asc bahda daruur salan kadib Waxan isku arkay xiliga galmada inu bahalka aad iiga adkaado sida inu qarxi rabo cml walibana saaid dareenkayguna uukasidarayo markasto biyabaxo noqnoqoshadayduna waa saaid ilen maba damayo ilaa aan kabaqo inu dhig iga yimado aan ano usi bahan iska daayo xataa mararka qar qofka idhibsada 10 jeer iyo kabadan qof xamili karo majiro macudur baa mise waa waxkale waan yabanahaye ileen qof daremihisa aad kucsan yihiin banan ma adi karo 6sac kadib ayan caadi noqona marka iska daayo jimacana qofka qalad inu ifahma didaya dad sidayda ookale majira hada aniga xaas malihi darenka darti ban kukala tagnay mustaqbalna wan iskaga bahna hadana waxan dhibsanaya qofka nolosha ilawadagayo inan dhibo marka waxa jira iso ifiyabal.

Kacsiga aan daal lahayn ilaa 10 jeer
Kacsiga aan daal lahayn ilaa 10 jeer

Jawaabta:

Waxa aad ka sheeganayso kacsi kaliya ma aha waa kacsi xadka ka baxay oo cudur isku badalay, waxaana loo yaqaanaa ingiriiska Hypersexuality carabigana فرط النشاط الجنسي, qofka dabiici ahaan waa inuu ka dhergaa galmada marka uu biyabaxo, way dhici kartaa inuu ku darsado marar badan laakin inuu dhargi waayo oo kacsi waali ah mar walba hayo, waa cudur.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha keenaya, dhakhaatiirta qaar waxay u celinayaan hormoonada jirka oo qasama, qaarna cudur nafsi ayay ku sheegaan inuu sabab u yahay, si kaste ha ahaatee qofka waxaa laga rabaa inuu iska ilaaliyo inuu hawadiisa raaco, qofka galmo wuxuu u sameeyaa inuu ku nasto oo uu gaaro xalaad deganaan iyo xasilooni.
Waxaad ku dalaalaysaa salaadda iyo quraanka fikirka galmada iska yareey naftaada ku mashquuli waxbarsho iyo wax akhris.

Waxaa kaloo aad ogaataa inta aad dhalinyar tahay haddaad si xadka ka baxsan aad u samayso galmo markaad weynaato inaad daciif noqon doonto, marka dareenkaaga koontarool wax meel dhigo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More