Janno iyo naar waa labo daar Alle khalqiga u diyaariyay.
Oday ayaa wuxuu ku yiri wiil uu dhalay wiilkiisa: wiilkeygiyow jannada sida lagu galo waa lacag la’aan naartana qarash ayaa lagu galaa.
Wiilkii baa wuxuu yiri: awoowe maxaa ka waddaa?
Awoowaha ayaa yiri: qofka qamaarka cayaaraya lacag buu bixinayaa qofka khamrada cabbaya lacag buu ku iibsanayaa qof tumasho samaynaya ama naag dhilo raadsanaya lacag buu bixinayaa.
laakin jannada lacag kaama rabto qofka salaad tukanayo qarash kama baxaayo qofka soomaya lacag kama baxayso qofka istiqfaarsanaya lacag lagama rabo qofka indhihiisa dumarka qaawan ka laabanaya lacag lagama rabo waa bilaash marka jannada lacag uma baahna.
hadalkan waa hadal xigmad ku salaysan waxaa laga wadaa waddada jannada ayaa ka sahlan wadda naarta lagu galo.
laakin marka aad eegto kor waddada jannada nafta ma rabto waxay rabtaa waddana naarta ileen shahwo ayaa ku hareerta.