Janno iyo naar galintaankooda yaa qarash u baahan

Janno iyo naar waa labo daar Alle khalqiga u diyaariyay.

Oday ayaa wuxuu ku yiri wiil uu dhalay wiilkiisa: wiilkeygiyow jannada sida lagu galo waa lacag la’aan naartana qarash ayaa lagu galaa.
Wiilkii baa wuxuu yiri: awoowe maxaa ka waddaa?

Janno iyo naar galintaankooda yaa qarash u baahan
Janno iyo naar galintaankooda yaa qarash u baahan

Awoowaha ayaa yiri: qofka qamaarka cayaaraya lacag buu bixinayaa qofka khamrada cabbaya lacag buu ku iibsanayaa qof tumasho samaynaya ama naag dhilo raadsanaya lacag buu bixinayaa.
laakin jannada lacag kaama rabto qofka salaad tukanayo qarash kama baxaayo qofka soomaya lacag kama baxayso qofka istiqfaarsanaya lacag lagama rabo qofka indhihiisa dumarka qaawan ka laabanaya lacag lagama rabo waa bilaash marka jannada lacag uma baahna.

hadalkan waa hadal xigmad ku salaysan  waxaa laga wadaa waddada jannada ayaa ka sahlan wadda naarta lagu galo.

laakin marka aad eegto kor waddada jannada nafta ma rabto waxay rabtaa waddana naarta ileen shahwo ayaa ku hareerta.

naftana aad bay u jeceshay shahwada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More