Site icon Daruur درور

Jaad ama sigaar ama khamri deyntooda in la gudo miyaa

Su’aasha:

qofkii jaad cuni jiray ama sigaar cabi jiray ama khamri cabi jiray lkn katoobad keenay lkn dayn lagaga lahaa XATAA hadii aan loo haysanin oo uu kalidii OG yahay dayntaasi ma bixinayaa?

Jaad ama sigaar ama khamri deyntooda in la gudo miyaa
Jaad ama sigaar ama khamri deyntooda in la gudo miyaa

Jawaabta:

Marka hore waa in la ogaadaa iibinta khamriga iyo dhamaan maandooriyeyaasha waa xaaraan, qofka hadduu iibiyo lacagtaas maba mutaysanin, marka sidaa awgeed qofkii deyn lagaga leeyahay khamri iwm. kuma waajibayso inuu u gudo ninkaas maxaayeelay hadduu lacagta uu u gudo waxay ugu kaalmaynaysaa xaaraanta inuu kusii jiro, Alle wuxuu yiri:

(وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ) ‎

(Isugu kaalmeeya Samaha iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo, kana Dhawrsada Eebe, Ilaahay way darantahay Ciqaabtiisu)

Marka qofka lacagta lagaga leeyahay khamrada iyo maandooriyeyaasha wuu ku sadaqaysanayaa wuxuu siinayaa qof miskiin ah intuu u celin lahaa qofkii khamriga ka gaday, sidaas ayay kaaga dhacaysaa xuquuqda korkaaga saaran.

Guud ahaan lama iibin karo khamri, qofka marka hore ayuuba qaldamay wuxuu ka ganacsaday wax xaaraan ah marka sidaas awgeed xaq uma laha lacagta deynta. Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

  (لعن الله الخمر وشاربها وساقيها وبائعها ومبتاعها وعاصرها ومعتصرها وحاملها والمحمولة إليه وآكل ثمنها)

(Alle ha lacnado khamrada iyo kan cabbaya iyo kan waraabinaya iyo kan iibinaya iyo kan iibsanaya iyo kan miiraya iyo kan miiranaya iyo kan qaadaya iyo kan loo qaadayo iyo kan lacagteeda cunaya) 

Abuu Daawuud ayaa wariyay.

Culimada qaar sigaarka iyo qaadka ma geenin booska khamriga qaarna isku xukun ayay ka dhigeen, guud ahaan waa wax waajib ay tahay in laga fogaado sigaarka iyo qaadka.

Exit mobile version