Islaamka labada waalid iyo qaraabada meesha uu geeyay
5 years ago
Labada waalid iyo qaraabada xiriirintooda waa wax fiican oo diinta islaamka aad ugu boorrisay marka qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu ku dhaqmo fariimaha islaamka.
Islaamka labada waalid iyo qaraabada meesha uu geeyay
Islaamka meel sare ayuu geeyay labada waalid waxaana ku soo aroortay nusuus badan arrintaas:
Alle kitaabkiisa kariimka ah ku yiri:
( وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا * وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا )
(Wuxuu faray rabbigaaga inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan labada waalid samo falid, hadduu ku gaaro agtaada wayni midkood ama labaduba ha ku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican ),
wuxuu yiri:
{وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا}
(Caabuda Alle hana la wadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala ).
wuxuu yiri sayidkeena Cabdullaahi bin Cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee -: “seddex aayad waxay soo degeen iyagoo ku xiran seddex, lama aqbabalyo mid iyadoon wadanin waxa ku xiran, waxaa ka mid ah Alle oraahdiisa:
{أَنْ اُشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ}
(Ee igu mahadi ani iyo labadaadii waalid )
Qofkii ku shukriyo Alle oo aan ku shukrinin labadiisa waalid lagama aqbalayo
waxaa laga wariyay Cabdullaahi bin Camar -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: Nin ayaa u yimid nabiga oo jihaadka idin kaga dalbanayo, wuxuu ku yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:
( أَحَيٌّ وَالِدَاكَ؟ قَالَ: نَعَمْ قَالَ: فَفِيهِمَا فَجَاهِدْ)
(Ma nool yihiin labadaada waalid? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: iyaga ku jihaad )
wuxuu yiri Alle:
{وَلَمَّا وَرَدَ مَاءَ مَدْيَنَ وَجَدَ عَلَيْهِ أُمَّةً مِّنَ النَّاسِ يَسْقُونَ وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ امْرَأَتَيْنِ تَذُودَانِ قَالَ مَا خَطْبُكُمَا قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّى يُصْدِرَ الرِّعَاءُ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ}
(Markuu gaaray biyaha Madyan wuxuu ka helay ummad dad ahoo waraabinaysa wuxuuna ka helay sokodooda labo haween oo reebi (xoolahooda) wuxuuna yiri muxuu xaalkiinu yahay, waxayna dheheen ma waraabinno intay ka fulaan xoolajirku, Aabbaheenana waa oday weyn )
Waxaa laga wariyay Jaabir -Ilaahay raalli haka noqdee – nin inuu yiri: rasuulkii allow waxaan leeyahay hanti iyo carruur aabbahaygana wuxuu rabaa inuu hantida iga dhameeyo, wuxuu yiri rasuulka:
(أَنْتَ وَمَالُكَ لِأَبِيكَ)
(Adiga iyo hantidaadaba aabbahaaga ayaa idin leh ).
Wuxuu ka reebay Alle qofka ereyga ugu yar oo dhibsasho tilmaamaya, hadduu jiri lahaa erey ka yar ereyga “uf” wuu reebi lahaa Alle, waxaa laga rabaa qofka inuusan sabab u noqonin dhibkooda ama xumeyntooda si kaste ahaato, wuxuu ku yiri sayidkeena Abuu Hurayra -Ilaahay raalli haka noqdee – nin – asoo ku waaninaya baarri inuu u noqdo aabbihiisa: “aabbahaaga hortiisa ha soconin, hortiisana ha fariisanin magaciisana ha ugu yeerin cayna ha usoo jiidin”, kuma habboona inuu dhib usoo jiido waalidiintiisa, wuxuu leeyahay nabigeena:
(إنَّ مِن أكبَرِ الكَبائِرِ أنْ يَلعَنَ الرجُلُ والِدَيه) ، قالوا : يا رسولَ اللهِ ، وكيفَ يَلعَنُ الرجُلُ أبَوَيه؟ قال: (يَسُبُ الرجُلُ الرجُلَ، فيَسُبُ أباه ، ويَسُبُ الرجُلُ أُمَّه ، فيَسُبُ أُمَّه)
(Waxaa ka mid ah dambiyada waaweyn inuu ninka lacnado labadiisa waalid ) waxay dhaheen: rasuulkii allow siduu u lacnadaa ninka labadiisa waalid? wuxuu yiri: (wuxuu caynayaa ninka ninka kale marka wuxuu caynayaa aabbihiisa ninkana wuxuu caynayaa hooyadiisa marka wuxuu caynayaa hooyadiisa )
wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{وَإِن جَاهَدَاكَ عَلَى أَن تُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا وَصَاحِبْهُمَا فِي الدُّنْيَا مَعْرُوفًا}
(Hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican ).
Sidan ayaa ka sugnaatay nabi Ibraahim – nabadgelyo korkiisa ha haatee – markuu aabbihiisa ugu yeerayay diinta, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِبْرَاهِيمَ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا * إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَا أَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِي عَنكَ شَيْئًا * يَا أَبَتِ إِنِّي قَدْ جَاءَنِي مِنَ الْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَاتَّبِعْنِي أَهْدِكَ صِرَاطًا سَوِيًّا * يَا أَبَتِ لَا تَعْبُدِ الشَّيْطَانَ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلرَّحْمَنِ عَصِيًّا * يَا أَبَتِ إِنِّي أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِّنَ الرَّحْمَنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَانِ وَلِيًّا}
(Ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah * markuu ku yiri aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana deeqayn waxba * aabbow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa) * aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Allaha raxmaanka ah caasi * aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Allaha Raxmaanka ah ood u noqoto shaydaan sokeeye ).
Asmaa bint Abiibakr -Ilaahay raalli haka noqdee – waxaa u timid hooyadeeda – iyadoo mushrikad ah – oo u baahan, waxay weyddiisay nabiga arrinkaas waxay tiri: rasuulkii allow hooyadayda ayaa ii timid iyadoo ii baahan ma xiriirinayaa? wuxuu yiri:
(نَعَمْ ، صِلِي أُمَّكِ)
(Haa, xiriiri hooyadaada )
wuxuu sheegay qura’aanka kariimka arrinkaas markuu ka hadlayay qaababka ugu wanaagsan daacada iyo baarrinimada, wuxuu yiri Alle:
{فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَى فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانظُرْ مَاذَا تَرَى قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ}
(Markuu ku gaaray agtiisa socod wuxuu ku yiri Nabi Ibraahim wiilkayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yiri aabbow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Alle doono inaan ka mid noqdo kuwa samree ).
nin ayaa u yimid rasuulka asoo jihaad idin kaga dalbanayo wuxuu yiri rasuulka:
(هَلْ لَكَ مِن أُمٍّ؟) ، قال : نعم ، قال (صلى الله عليه وسلم) : (فَالْزَمْهَا ، فَإِنَّ الجَنَّةَ عِندَ رِجْلِها)
(Hooyo ma leedahay?) wuxuu yiri: haa wuxuu yiri: (ag joog jannada lugteeda ayay ag taallaa ).
Wuxuu yiri rasuulka:
(الوالدُ أوسطُ أبواب الجنة ، فإن شئتَ فحافظ على الباب أو ضيِّعْ )
(Waalikda waa albaabada jannada midka dhexe haddii aad rabto ilaalso alabaabka ama iska dacay ).
qofka si kaste uu wax u siinayo labadiisa waalid wanaag iyo baarrinimo ma gudi karo xaqqooda, mana u celin karo wanaaggooda, wuxuu leeyahay nabigeena:
(لَا يَجْزِي وَلَدٌ وَالِدًا ، إِلَّا أَنْ يَجِدَهُ مَمْلُوكًا فَيَشْتَرِيَهُ فَيُعْتِقَهُ)
(Wiil aabbihiisa abaal uma gudi karo hadduu helo mooyee asoo addoon ah marka uu gato uuna xoreeyo ).
Wuxuu yiri rasuulka:
(إِنَّ اللَّه تَعَالى خَلَقَ الخَلْقَ ، حَتَّى إِذَا فَرَغَ مِنْهُمْ ، قَامَتِ الرَّحِمُ ، فَقَالَتْ : هَذَا مقَامُ الْعَائِذِ بِكَ مِنَ الْقَطِيعَةِ، قَالَ : نَعَمْ ، أَمَا تَرْضَيْنَ أَنْ أَصِلَ مَنْ وَصَلَكِ ، وَأَقْطَعَ مَنْ قَطَعَكِ؟ قَالَتْ : بَلَى ، قال : فذَلِكَ لَكِ) ، ثُمَّ قَالَ رَسُولُ اللَّه (صلى الله عليه وسلم) : (اقرؤوا إِنْ شِئْتُمْ : {فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِنْ تَوَلَّيْتُمْ أَنْ تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ * أُولَئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَى أَبْصَارَهُمْ} )
(Ilaahay wuxuu abuuray khalqiga marka uu dhammeeyay waxaa istaagtay qaraabada waxay tiri: kan waa booska qof kaa magangalaya goysmada wuxuu yiri: haa sow raalli kuma tihid inaan xiriiriyo qofkii ku xiriiriyo inaan gooyo qofkii ku gooyo? waxay tiri: haa wuxuu yiri: taas waad leedahay) kaddib wuxuu yiri rasuulka: (akhriya haddaad doontaan: (Amaad mudan tihiin haddaad jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, qaraabadiinana aad goysaan * kuwaasi waa kuwa Alle lacnaday, dhagaha iyo indhahana tiray * miyayna Quraanka fiirfiirinin mise quluubtoodaa ayaa qufulo saaran ).
wuxuu yiri rasuulka:
(الصَّدَقَةُ عَلَى الْمِسْكِينِ صَدَقَةٌ ، وَعَلَى ذِي الرَّحِمِ اثْنَتَانِ؛ صِلَةٌ ، وَصَدَقَةٌ)
(In lagu sadaqaysto miskiinka waa sadaqo midka qaraabada ahna waa labo: sadaqo iyo xiirin )
Wuxuu yiri rasuulka:
(قَالَ اللَّهُ (تَبَارَكَ وَتَعَالَى) : أَنَا اللَّهُ ، وَأَنَا الرَّحْمَنُ ، خَلَقْتُ الرَّحِمَ ، وَشَقَقْتُ لَهَا مِنِ اسْمِي ، فَمَنْ وَصَلَهَا وَصَلْتُهُ ، وَمَنْ قَطَعَهَا بَتَتُّهُ)
(Alle tabaaraka watacaalaa wuxuu yiri: Anigaa Alle ah anigaa naxariisbadne ah qaraabada ayaan abuuray, magacayga ayaan kasoo faliiqay qofkii xiriiriyo waan xiriirinayaa qofkii gooyana waan jarayaa ).
wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:
(مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُمَدَّ لَهُ فِي عُمْرِهِ ، وَأَنْ يُزَادَ لَهُ فِي رِزْقِهِ ، فَلْيَبَرَّ وَالِدَيْهِ ، وَلْيَصِلْ رَحِمَهُ)
(Qofkii rabo in loo badiyo cimrigiisa loona siyaadiyo arsaaqdiisa baarri ha u noqdo labadiisa waalid hana xiriiriyo qaraabadiisa ).
wuxuu yiri rasuulka:
(لَيْسَ الوَاصِلُ بِالْمُكَافِئِ ، وَلَكِنِ الوَاصِلُ الَّذِي إِذَا قُطِعَتْ رَحِمُهُ وَصَلَهَا) .وجاء رجل إلى رسول الله (صلى الله عليه وسلم) فقال : يَا رَسُولَ اللهِ ، إِنَّ لِي قَرَابَةً أَصِلُهُمْ وَيَقْطَعُونِي ، وَأُحْسِنُ إِلَيْهِمْ وَيُسِيئُونَ إِلَيَّ ، وَأَحْلُمُ عَنْهُمْ وَيَجْهَلُونَ عَلَيَّ ، فَقَالَ : (لَئِنْ كُنْتَ كَمَا قُلْتَ ، فَكَأَنَّمَا تُسِفُّهُمُ الْمَلَّ ، وَلَا يَزَالُ مَعَكَ مِنَ اللهِ ظَهِيرٌ عَلَيْهِمْ مَا دُمْتَ عَلَى ذَلِكَ)
(ma aha xiriiriyaha kan abaalgudaya, laakin xiriiriyaha waa kan marka qaraabaiisa ay goyso xiriiriya, waxaa u yimid nabiga nin wuxuu yiri: rasuulkii allow, qaraabo ayaan leeyahay, waan xiriiriyaa way i goynayaan, wanaag baan u sameeyaa xumaan ayay igu sameeyaan, waan u dulqaataa way igu xadgudbaan, wuxuu yiri rasuulka: (haddii aad tahay sidaad sheegeyso waa aidgoo cunsiinaya dambas kulul, Ilaahay xaggiisana waxaa kaaga suganaanayo gargaare maadaama sidaas aad tahay )
wuxuu leeyahay rasuulka:
(مَا مِنْ ذَنْبٍ أَحْرَى أَنْ يُعَجِّلَ اللَّهُ الْعُقُوبَةَ لِصَاحِبِهِ فِي الدُّنْيَا ، مَعَ مَا يَدَّخِرُ لَهُ فِي الْآخِرَةِ ، مِنَ الْبَغْيِ ، وَقَطِيعَةِ الرَّحِمِ)
(Dambi ma jiro oo ku habboon in Ilaahay ciqaab qofka ugu soo dedejiyo adduunka asoona aakhiro ugu keedinayo gardarrada iyo qaraabagoyska )
Wuxuu leeyahaya rasuulka:
(لاَ يَدْخُلُ الجَنَّةَ قَاطِعٌ)
(Ma galo jannada gooye )
waxaa u yimid rasuulka nin wuxuu yiri: rasuulkii allow waxaan ku dhacay dambi weyn ee towbad ma leeyahay? wuxuu yiri rasuulka:
(هَلْ لَكَ مِنْ أُمٍّ؟) ، قَالَ : لاَ ، قَالَ (صلى الله عليه وسلم) : (هَلْ لَكَ مِنْ خَالَةٍ؟) ، قَالَ: نَعَمْ ، قَالَ (صلى الله عليه وسلم) : (فَبِرَّهَا)
(Hooyo ma leedahay? wuxuu yiri: maya wuxuu yiri rasuulka: habaryar ma leedahay? wuxuu yiri: haa wuxuu yiri rasuulka: (baari u noqo ).