Site icon Daruur درور

Isla hadalka qofka maxaa u keeno

Su’aasha:

Asc isla hadalka iyo iskudhax buuqa maxaa keeno mudo 3sano kahor ayan magaalada aan joogay katagay oon magaala kale tagay kadib qol ayan kaligey seexanayay ila hadana aan jiifa wax yalaha aan lahan jirin ee iguso ziyaday waxa kamid ah inan isla sheekeysto kaligey hadi aan arko nin naag quurxan qobo OO caruur heysto inan asago OO kale Iska digo oon kufikiro inbadan in aan kafikiro gogosha iyo howlehedo hada heer waxaan garay aan waqti kasto aan anigo isla sheekeysto sheekada dadka ayan nacay sido kale anigo iskoolka joogo inan Iska sawirto anigo Claska nambarka one helay OO jamacad kaso baxay OO shaqo fiican helay noolashas qiyaliga ah ayan kujira anigo imtixaanka kadacayo OO naag heysan inan qiyaliga kunoolado taas ayaa waxay keentay in kafikirka dumarka iyo xubnahooda in arrin aan cadi aheyn ila noqotay OO gabar hadan arko aan kacsado biyaha iga imadan maxa xal ah sidan Dib ugu so labta noolasha dabta ah ee aan kunoolahay manta.

Isla hadalka qofka maxaa u keeno
Isla hadalka qofka maxaa u keeno

Jawaabta:

Xaalad nafsi ayaa ku haysa waxaana inta badan keena shaqo la’aanta iyo kalinimada, qofka aadanaha waa qof aan ka maarmin bulsho dad ayuu u baahan yahay inuu la sheekaysto ku mashquulo, teeda kale kalinimada waa laga digay waa halis dhanka maskaxda qofka marka uu kaligiisa yahay maskaxdiisa wax badan ayaa soo galaya, shaydaankana waa kaa faa’idaysanayaa.

Marka waxaa daawo kuu ah inaad dadka soo dhexgasho inaad quraanka akhrisato inaad salaadda ku dadaasho oo Alle aad xusto, xuska Ilaahay qalbiga ayuu qaboojiyaa waad degaysaa marka naftaada inraysan meel fog ku geynin soo celi. Waxaas inta badan wuxuu ka dhashaa waswaaska shaydaanka, marka Alle magangal.

Exit mobile version