Imaam baabacooyinka gacanta si fiican dhulka u dhigin ma ku xiran karaa

Su’aasha:

asc Allah mahadleh
mahadsan tihiin Allah macak

Haddad salaada qof aad ku xidhato oo aad aragto isagoo baabacooyinka gacanta si fiican dhulka u dhigay faraha saaraya cudurdaar LA,aan
horana aad ugu sheegtay in ay sujuuda ka mid tahay baabacadoo dhulka si fiican loo dhigaa
hadad Mar labaad ku aragto salaadaasi maxay noqonaysaa?

Imaam baabacooyinka gacanta si fiican dhulka u dhigin ma ku xiran karaa
Imaam baabacooyinka gacanta si fiican dhulka u dhigin ma ku xiran karaa

Jawaabta:

Sida aad sheegayso waa sida saxan oo fiican oo dhammaytiran oo sujuudda laga rabo, oona sunnada ah nabiga (SCW) waafaqsan wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(أمرت أن أسجد على سبعة أعظم: على الجبهة ـ وأشار بيده إلى أنفه ـ واليدين والركبتين وأطراف القدمين)

(waxaa lay amray inaan ku sujuudo toddobo lafood: wejiga – wuxuu tilmaamay sankiisa – iyo labada gacmood iyo laba jilbood iyo darfaha cagaha)

waa xadiis saxiix ah oo Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen.

Laakin salaaddiisa way ansaxaysaa wax dhib ah kaama soo gaarayo haddaad ka daba tukato, waxay ka mid tahay arrintaas hay’adaha salaadda wax saamays ah kuma yeelanayso ansaxa salaadda, salaaddadana way ansaxaysaa haddaad gadaashiisa ku tukato.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More