Ilka dhiiga cudurka sababa iyo daweynta

Ilka dhiiga cudurka sababa iyo daweynta

Su’aasha:

Dhiiga ilkaha ma cudur baa sabab u noqonaya?

Ilka dhiiga cudurka sababa iyo daweynta
Ilka dhiiga cudurka sababa iyo daweynta

Jawaabta:

Sababo badan ayaa keeni kara dhiiga ilkaha waxaa ugu muhimsan caabuqa cirridka oo loo yaqaano “Gingivitis” taasna waxaa keenta nadaafad la’aanta ilkaha, wasakhaas wuxuu keenayaa bakteeriya inay ka dhalato siiba marka ay jaale noqdaan ilkaha, markaas ciridka wuu bararaa wuuna guduutaa afkana ur badan ayuu u keenaa marka ilkaha jug ay soo gaarto dhiig ayaa ka imaanaya ciridkana wuu jilcaa, waxaa kaloo keenaya caabuq inuu ku dhaco tiirarka ciridka oo lagu magacaabo “Periodontitis” taasna marka waxay imaanaysaa marka ciridka uu bukado.
Waxaa kaloo keenaya dhiiga ilkaha in jirkaaga ay ka maqan yihiin vitaminada qaar sida vitamin K iyo vitamin C.

Waxaana fiican haddii jirkaaga ay ka maqan yihiin vitaminada lasoo sheegay inaad ku dadaasho cuntada laga heli karo sida qudaarta cagaaran, saliid seytuunka oo laga heli karo vitamin K, sidoo kale vitamin C oo laga heli karo liinta iyo qudaarta dhanaanka ah.
Intaas ayaa ugu caansan oo keeni kara afka inuu dhiigo marka qofka jug kasoo gaarto ama uu cadeysanayo.
Sababka marka la ogaado ayaa la daaweyn karaa.

 

  1. Af urka marka hurdada lagasoo kaco maxaa keena
  2. Yiridka (nabarka cirridka) sababta keenta iyo daawadiisa
  3. Ilka xanuunka sababaha keeni kara iyo daaweynta

Many causes can cause tooth bleeding. The most important thing is gingivitis, which is caused by gingivitis. This is caused by the lack of hygiene of the teeth. This stain causes bacteria to develop from the teeth when they become yellow. Then the gums swell and redness and the mouth smells a lot. When the teeth come up, blood comes from the gums and the gums soften. It is also caused by an infection that occurs in the gum column called “Periodontitis” which comes when the gums are sick.
It is also caused by toothpaste that your body lacks some vitamins such as vitamin K and vitamin C.

It is good if your body lacks the vitamins mentioned to try to eat foods that are available such as green vegetables, vitamin oil that can be found in vitamin K, as well as vitamin C that can be found in lemons and whole grains.
This is the most common and can cause the mouth to bleed when the person is bleeding or whitening.
The cause when diagnosed can be treated.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More