Site icon Daruur درور

Hubsashada warka iyo mowqifka islaamka

Waxaa ka mid ah aadaabta islaamka : in warka la hubsado soo guurinta kahor, wuxuu yiri Alle:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ)

(Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen).

Marka aan warka la hubsanin waxaa dhacaya waxyaabo badan oo cirib xun.

Qofka markuu ku dullo hadal aan la hubin wax badan ayuu ku dhici karaa oo halis u keenaya aayahiisa.

Hubsashada warka iyo mowqifka islaamka
Hubsashada warka iyo mowqifka islaamka

Warka kutirikuteenka waa halis oo bulshada dhib weyn geysan kara oo burburin kara xiriirka ka dhexeeya dadka walaalaha ah iyo qaraabada iyo xataa dalalka buburin kara.

Islaamka aad buu uga digay wararka beenta ah.

Exit mobile version