Hooyada diinta Islaamka meesha ay ka taagan tahay

Hooyada diinta Islaamka meesha ay ka taagan tahay

Hooyada waa qiimaha nolosha oo aan lasoo koobi kerin daraja ay leedahay, nusuus fara badan ayaa kusoo aroortay qiimaha birriga hooyada.

Hooyada diinta Islaamka meesha ay ka taagan tahay
Hooyada diinta Islaamka meesha ay ka taagan tahay

Rasuulka markuu yiri naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee:

(الْزَمْهَا، فَإِنَّ الجَنَّةَ عِنْدَ رِجْلِهَا)

(laasim, jannada waxay taallaa lugteeda hoosteeda).

wuxuu leeyahay Alle SW:

{وَوَصَّيْنَا الْإِنْسَانَ بِوَالِدَيْهِ إِحْسَانًا حَمَلَتْهُ أُمُّهُ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا وَحَمْلُهُ وَفِصَالُهُ ثَلَاثُونَ شَهْرًا

(Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa Soddon bilood).
Wuxuu yiri:

{وَوَصَّيْنَا الْإِنْسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَى وَهْنٍ}،

(waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadiis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan).
Waa kanaa rasuulka nuurka badan naxariista rabbigayga iyo nabadgalyadiisa korkiisa ha ahaatee oo ka dardaaramaya birrigeeda dardaaran xeeldheer, waxaa u yimid nin rasuulkii Alle naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee isaga iyo ehelkiisa, wuxuu yiri:

«يَا رَسُول اللهِ، مَنْ أَحَقُّ النَّاسِ بِحُسْنِ صَحَابَتِي؟ قَالَ: «أُمُّكَ»، قَالَ: ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ: «ثُمَّ أُمُّكَ»، قَالَ: ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ: «ثُمَّ أُمُّكَ»، قَالَ: ثُمَّ مَنْ؟ قَالَ: «ثُمَّ أَبُوكَ ». البخاري

(Rasuulkii allow Yaa iigu xaqnimo badan xagga la jiritaanka wanaagsan? wuxuu yiri (hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa), wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib aabbahaa).
, waxaa laga wariyay Abuu Burda wuxuu yiri:

(إِنَّ رَجُلًا مِنْ أَهْلِ اليَمَنِ حَمَلَ أُمَّهُ عَلَى عُنِقِهِ، فَجَعَلَ يَطُوفُ بِهَا حَوْلَ البَيْتِ، ثُمَّ قَالَ: أَتَرَانِي جَزَيْتُهَا؟ فَقَالَ ابْنُ عُمَرَ رَضي اللهُ عَنْهُمَا: لَا، وَلَا بِزَفْرَةٍ وَاحِدَةٍ مِنْ زَفَرَاتِ الوِلَادَةِ.)

(Nin reer Yaman ah ayaa hooyadiisa kusoo xambaaray luquntiisa, wuxuu kula dhawaafay kacbada, kaddib wuxuu yiri: ma kula tahay inaan abaalka u guday? Wuxuu yiri Ibnu Cumar ilaahay raalli haka noqdee: maya, xataa hal qaylo ka mid ah qaylada dhalmada).
Maxaa ka qurux badan labadaada waalid sharafta leh inaad ducadaada ka siiso qeybta ugu weyn habeenkan.

{وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا}.

(dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar.)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More