Heesaha qofka dhagaysta miyay saameeyaan Fatwada By Ahmed On Oct 12, 2021 798 0 Su’aasha: Labadi sano ee lasodhafay waxaan bilabay dhageesiga heesaha iyo dawashada riwayadaha marka kawarama waxaana igatagay dadanka cibadada sida salaada iyo quraanka iyo xusuusta qabriga awal waxaan kufiriki jiray waqti kasta inan diman Kara hada waxaanba leyahay 20ayad jirta70 markad garta lee dhimani heesaha maigu sababi Karan Heesaha qofka dhagaysta miyay saameeyaan Jawaabta: Heesta waxay kicisaa caadifada qofka wuxuu noqonayaa qof ka fikira had iyo jeer heesaha uu dhegeysto, sidoo kale inta badan waxay ku dhisan tahay jacayl iyo arrimo rag iyo dumar la xiriira, ama quruxda dumarka iyo jirkooda sifeysa, marka shaki kama taagna qofkii heesaha dhegeysta inuu isbadalayo oo uu ka mashquulayo quraanka iyo digriga Alle, marka meel islama galaan hees iyo quraan, haddaad rabto inaad quraanka xifdiso hees ka fogow. Diinta islaamka aad ayay uga digtay waxyaalaha qofka ka mashquuliya salaadda iyo digriga Alle heesta waxay ka mid tahay waxyaalaha qofka ka leexiya digriga iyo quraanka. Barashada QuraankaHeesta 0 798 Share