Halista barabogaandada ay leedahay
Hadalka kutirikuteenka waa hadalka sal iyo raad aan lahayn, waa hadal been ah oo lagu dhex faafinayo dadka.

hadlkaas wax badan ayuu ku cayaarayaa, guryo ayuu duminayaa dhiig ayuu daadinayaa, wuxuu yiri Alle:
(إِذْ تَلَقَّوْنَهُ بِأَلْسِنَتِكُمْ وَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُمْ مَا لَيْسَ لَكُمْ بِهِ عِلْمٌ وَتَحْسَبُونَهُ هَيِّنًا وَهُوَ عِنْدَ اللَّهِ عَظِيمٌ)
(Markaad kula kulmaysaan qadafka carrabkiinna oo aad ku dhahaysaan afkiinna waxaydaan ogayn, una malaynaysaan wax fudud isagoo Alle agtiisa ku wayn)
nabiga wuu nooga digay arrinkaas markuu yiri:
(إِيَّاكُمْ وَالظَّنَّ، فَإِنَّ الظَّنَّ أَكْذَبُ الحَدِيثِ، وَلاَ تَحَسَّسُوا ، وَلاَ تَجَسَّسُوا ، وَلاَ تَحَاسَدُوا ، وَلاَ تَدَابَرُوا، وَلاَ تَبَاغَضُوا، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إِخْوَانًا)
(Iska jira malada, malada waa warka ugu beenta badan, ha baarbaarina hana jaajuusina hana is xasdina hana isu jeedinina babada hana is nicina, noqda addoomaha Ilaahay oo walaalo ah)
wuxuu yiri Alle markuu sifada munaafuqiinta caddeynayay:
{وَإِذَا جَاءَهُمْ أَمْرٌ مِنَ الْأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُوا بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُولِي الْأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنْبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَاتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلَّا قَلِيلًا }
(Markuu u yimaaddo amar nabadgalyo ah ama cabsi way faafiyaan hadday u celiyaan xagga rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin fadliga Ilaahay korkiinna ah iyo naxariistiisa waad raaci lahaydeen shaydaan wax yar mooyee),
wuxuu yiri rasuulka:
(مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)، تخريج
(Qofka waalaalkiisa sharftiisa difaaco Ilaahay wejigiisa naarta ayuu ka reebayaa maalinta qiyaame).
Alle kitaabkiisa kariimka ah wuxuu ku yiri:
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا * يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا}،
(Kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Alle hadal toosanna ku hadla * haydiin wanaajiyo camalkiinna hana idiin dhaafo dambigiinee, ruuxii adeeca Alle iyo rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan liibaan weyn)
