Hadii Xubinka taranka aad taabato adoo janaaba ka qubeysanayo weysadaa ansax miyaa

Su’aasha:

Asc Marka aan ka qubeysanayo janaabada oo aan waysa qaato kadibna aan qubeysto oo markaa Xubinka taranka Gacanta iiga dhacdo waysadaa iyo janaabada aan is raaciyey ma ansax meysaa

SI GAAR AHAAN waysada aan janaabada kahor mariyey ma ansax meysaa ?

Hadii Xubinka taranka aad taabato adoo janaaba ka qubeysanayo weysadaa ansax miyaa
Hadii Xubinka taranka aad taabato adoo janaaba ka qubeysanayo weysadaa ansax miyaa

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa culimada fiqiga inay isku khilaafeen qofka hadduu taabto xubintiisa taranka inay weysada ka jabayso iyo in kale.

Imaam Shaafici  iyo culimo kale waxay qabaan qofkii taabto xubintiisa inay waysada ka jabeyso si kas ama asoon ugu talaggalin.

Waxayna daliilsadeen xadiis uu wariyay Abuu Daawuud iyo culimo kale inuu yiri nabiga (SCW):

(مَن مسَّ ذَكَره فليتوضَّأْ )

(Qofkii xubintiisa taranka taabto ha weyseysto)

Abuu Xaniifa iyo culimo kale waxay qabaan in taabashada xubinta taranka aysan weysada jabinin xataa haddii loo taabto kas.

Waxay daliisadeen xadiis sidoo kale Abuu Daawuud iyo culimo kale ay wariyeen waxaana laga wariyay Dalq bin Cali (RC) wuxuu yiri:

 

(خرجْنا وفدًا حتَّى قدِمْنا على رسولِ الله صلَّى اللهُ عليه وسلَّم، فبايعْناه، وصلَّينا معه، فلمَّا قضى الصَّلاة جاء رجلٌ كأنَّه بدويٌّ، فقال: يا رسولَ الله، ما ترَى في رَجُل مسَّ ذَكَرَه في الصَّلاةِ؟ قال: هل هو إلَّا مُضغةٌ منك، أو بَضعَةٌ منك؟! )

(Annagoo wafdi ah ayaan rasuulka (SCW) u nimid waan la ballannay waan la tukanay,markuu salaadda dhameeyay nin ayaa u yimid oo u eg reer baadiye wuxuu yiri: rasuulkii Allow maxaad u aragtaa nin taabtay xubintiisa taranka asoo salaad ku jira? wuxuu yiri rasuulka: miyay tahay xibinta  cad kaa mid ah mooyee ama gabal kaa mid ah?)

Labadan axadiis ayuu u noqonayaa khilaafka culimada ku saabsan inay ku jabto weysada taabashada xubinta taranka, axaadiis kalana way jiraan, guud ahaan khilaaf ayaa ka taagan mas’aladan,

Marka waxaa kuu fiican inaad qaadato mad’habka oranaya taabashada xubinta taranka weysada way ku jabtaa illeen wax shaki ah ama waswaas kuuma imaanayo.

Marka aan ka hadalno weysada janaabada kahor  way ansaxaysaa, haddii aad taabato xubinta taranka markaad weysaysato kaddib, khilaafka aan soo shegay ayaa ku jira.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More