Haddii aabahayga arrin aan ka diido caasinimo miyaa
Su’aasha:
Asc Daruur, waxan ahay nin dimuqraadiyadda neceb kana soo horjeeda una arka inay tahay nidaam islaamka ka fog oo ree galbeeed, waligay doorasho (vote) man codaynin inaan codeeyaana iima qorshaysna insha allah,, wakhti aan fogayn ayaa nin beeshayada kasoo jeedaa uu doorasho iskusoo Sharraxay, dadkii ayuu qarash gareeyay wuxuna kacodsaday inay u codeeyaan lkn anigu maan codayn , aabo ayaa inbadan igu celceliyay u codee anna sicad ayaan udiiday anigoon rabin nidaamkaa aan soo sheegay inaan qayb ka noqdo,, hadaba suaashaydu waxa waaye maadaama aan aabahay warkiisa maqli waayay arrintaasi cisyaan waalid ma noqonaysaa?
