Hadaan eey korsado diinta islaamka maxay ka qabtaa

Su’aasha:

A S C, su’aashan qabo waxa weeyan guri an leeyahay waxa idhabay o isoo dhacay habeena badan tuug marka kuwan dariska nahay waxay hayistan eey sidaas daraaded tuuga way ka amaan joogan in kastoy dariskayigu ay yihin gaalo marka anigu hadaan eey kor’sado anigo nijaas’ta dhareer’ka af’kisa iska ilaaliyo ma xaaran buu iga noqonaya.

Hadaan eey korsado diinta islaamka maxay ka qabtaa
Hadaan eey korsado diinta islaamka maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Diinta asal ahaan ma oggola qofka inuu eey karsado ama samaysto laakin haddii arrin daruuri ay keento sida ugaarsi ama ilaalo ama beerta inuu kuu ilaaliyo markaas waa loo fasaxayaa qofka.
Marka adiga haddii eeygaas uu kaa ilaalin karo tuugada habeenkii waad keensan kartaa adoo iska ilaalinaya najaasadiisa saad sheegtay.

Xadiis ayaa kusoo arooray mas’aladan, Nabiga (SCW) wuxuu yiri siduu Bukhaari wariyay:

 

( مَنِ اقْتَنَى كَلْبًا، إلَّا كَلْبًا ضارِيًا لِصَيْدٍ أوْ كَلْبَ ماشِيَةٍ، فإنَّه يَنْقُصُ مِن أجْرِهِ كُلَّ يَومٍ قِيراطانِ)

(Qofkii sameysto eey eeyga ugaarta ugaarsada  mooyee mise eeyga xoolaha (ilaaliya), waxaa ka nusqaamaya ajirkiisa maalin kaste labo qiiraad).

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More