Guriga walaalkayga ayaan joogaa xaaskiisa ma tixgaliyo ila taliya

Su’aasha:

Asalam alaikum walal waxan ahay inan 20s ku jirta da’ ahaan arday na wan ahay waxan la noolahay walalo oo reer leh rer kan la noolahay buuq joogto ah aya ka dhex tagan walasha ninka qabaa ma ixtiramo hadal wanagsan kuma dhaho marwalba way ooysaa dhibka uu ku hayo ayan gob jog ka ahay walahi qalbiga ayan ka ooyaa rag dhan baan nacay trust issues ban ka qaday mid walba sidan iyo ka xun ayan ka aaminsanahay maskaxda waa i buuxda madax xanun ma i daayo haben kii riyoyin xun ayan ku riyoodaa mararka qaar wan soo qeyliyaa ma aqan waxan sameyo ila tali ! Ma laga yabaa in maskaxda wax iga gaareen?😞

Guriga walaalkayga ayaan joogaa xaaskiisa ma tixgaliyo ila taliya
Guriga walaalkayga ayaan joogaa xaaskiisa ma tixgaliyo ila taliya

Jawaabta:

Walaal haddii aadan xallin karin dhibka gurigaas kugu haysto waxaa kugu habboon inaad ka wareegto haddaad heli karto meel ka fiican, waayo dagaalkaas ka jira reerka oo aad sheegtay naftaada ayuu saamaynayaa, wuxuu kugu abuuraa waxyaabo saamays ku yeelan karaa mustaqbalka noloshaada intaad joogi doonto, sida hadda laga dareemayo hadalkaaga nin oo dhan ayaad nacday taasna waxaa kugu kallifay waxa aad arkayso oo dulmi ah oo ku dhacaya xaaska walaalkaaga, mana aha nolosha sida aad ka aamintay, maxaayeelay raga qaar niman fiican ayaa ku jira sidoo kale iyo qaar xunxun, haddaad la kulanto mid xun macnaheeda ma aha inay dhammaan wada xun yihiin, sidoo kale dumarka waxaa ku jira naago xunxun ma aha dhammaan naagaha inay wada xun yihiin, sidoo kale meesha aad joogto waxay saamayn ku yeelan kartaa caqligaaga iyo fekerkaaga si xun ayaad u fekeri doontaa taasna waxaa ugu wacan duruufaha ku haysta oo aad u jeeddo maalin kaste.

Talada waxay tahay isku day inaad ka wareegto meesha aad joogto oo aad u wareegto meel ka wanaagsan oo aad ku ilaalin karto naftaada iyo caqligaaga.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More