Gudniin suno kabiir la dhaho ma jiraa

Gudniin suno kabiir la dhaho ma jiraa

Su’aasha:

Wllyaal waxan idiin waydinaa gudniin suno kabiir ladhaho miyaa jiro hooyo markan waydiyay waxay igu dhahday suno kabiir ayaa tahay marka majiraan gudniinkaas

Gudniin suno kabiir la dhaho ma jiraa
Gudniin suno kabiir la dhaho ma jiraa

Jawaabta:

Dhaqanka soomaaliyeed ee qadiinka wuxuu fulin jiray guudniinka fircooniga nooca ugu daran, dumarka da’da ah oo 50 jira gudniinkaas ayaa lasoo marsiiyay, 30 sano kahor marka diinta wax yar laga fahmay dad badan ayaa bilaabay inay gudniinka badalaan oo ay khafiifiyaan midkaas waxaa loo bixiyay gudniinka sunada isagaana kala duwan midka kabiirka ay dhahaan waa midka gabadha kintirka oo dhan laga gooyo oo aan waxba laga reebin laakin faruuraha yaryar iyo kuwa waaweyn lama taabanayo, waxaa jira mid kaas ka yar gabadha waxaa laga gooyaa afka kintirka kaliya qaarna lama gooyo kaliya dhiig ayaa laga keenayaa waa la suneynaa iyadoon wax laga jarin.

Xadiis Yaa ku soo arooray gudniinka suniga oo ah:

 

(أن امرأةً كانت تَخْتِنُ بالمدينةِ فقال لها النبيُّ صلى الله عليه وسلم: لا تُنْهِكي فإن ذلك أحظَى للمرأةِ وأحبُّ إلى البعلِ).

 

(Haweeney ayaa Madiina ku gudi jirtay (gabdhaha) wuxuu ku yiri rasuulka (SCW): Ha ku xeeldheeraanin (gooynta) taas ayaa naagta u roon ninkeedana ugu jecel yahay)

Waxaa wariyay Abuu Daawuud

Gudniinka Fircooniga Dambi Miyaa Sidee Loo Gudaa Gabdhaha

Dhawr Su’aalood Oo Kusaabsan Gudniinka Fircooniga

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More