Geedka garaska carabi iyo ingiriis waxa lagu dhaho
Geedka garaska carabi iyo ingiriis waxa lagu dhaho
Waa maxay geedka garaska?
Geedka garaska waxaa la dhahaa afka qalaad Dobera glabra carabigana شجر ضبر ama ضبر أجرد waa geed abaareed wuxuu gaaraa dhererkiisa ilaa 8 mitir cimrigiisana sedex boqol sano, wuxuu ka baxaa meelaha buuraha ee dalka yaman iyo geeska Afrika oo ay soomaali ka mid tahay.
Geedkaas mirahiisa waxaa la dhahaa dhuugaal, miraha marka ay bislaadaan inta lasoo guro ayaa qobka laga fiiqaa waxaa soo baxaayo wax u eg buruq oo guduudan markaas ayaa laga dhuuqaa kadib mir cad kuusan ayaa soo harayso, waxaa la sheegay xiliyada abaarta in mirahaas la karsado waxaa lagaga bixi jiray abaaraha soo mara dalalka uu ka baxo.
Geedka garaska mirihiisa marka la karinayo waxay u baahan yihiin waqti badan inay dabka saarnaadaan.