Sacdiyo Diiriye waa gabar Soomaaliyeed oo ku nooleyd dalka maraykanka.
Sacdiyo waa gabar waxbaratay. Dalka maraykanka ayay jaamacad ka dhamaysay.
Sacdiya waxay ku weynaatay doobimiada ilaa ay gaarto soddon iyo seddex sano.
Waad garanaysaa ragga soomaaliyeed kama helaan naagaha soddonka dhaafo. Waliba ragga ku cusub guurka. Inta badan waxay raadsadaan gabdhaha labaatanka u dhow ama wax yar dhaafay.
Sacdiyo maadaama ay tahay gabar waxbaratay waxay diidday rag badan oo iyada ka weyn oo xaas leh oo usoo doontay inay ku labaystaan.
Dadkaas waliba qaar waa dad lacag leh.
Waxay raadinaysay nin iyada da-deeda ah ama wax yar ka weyn oo xaas aan lahayn.
Ugu dambeyn wiil ayay baratay oo ku noolaa magaalada Gaarisa oo dagoodiye ah oo qurux badan.
Wiilkaas waxaa la dhihi jiray Suleymaan Xaaji Daahir.
Wiilka wuxuu ahaa sidii ay rabtay, wuxuu jiray soddon iyo afar sano. Hal sano kaliya ayuu ka weynaa.
Wuxuu ahaa wiil romaantik ah. Isaga iyo sacdiyo si fiican ayay u sheekaysteen.

Garoob oo gabar daacad ah guriga si yaab leh uga dumisay sheeko cajiib
Garoob oo gabar daacad ah guriga si yaab leh uga dumisay sheeko cajiib

Wiilka wuxuu dhameeyay jaamacad. Wuxuu aad u garanayay afka ingiriiska. Illeen jaamacad kenya ku taallo ayuu ka qalinjabiyay.
Wiilka wuxuu ahaa nin firfircoon oo karti leh. Sacdiyo aad bay u jeclaatay.
Heer waxay gaartay iyadoon taleefan kula hadlin inay hurdi wayso.
Waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan. Sacdiyo waxay u sheegtay wiilka inay iyada qarashka oo dhan bixinayso. Isaga waxba aan laga rabin.
Waayo isaga wuxuu ahaa qof lacag fiican aan haysanin. Wali shaqo fiican ma uusan ka helin kenya.
Inta aan guurka dhici sacdiyo waxay u sheegtay Suleymaan inay kenya imaan doonto si ay u barato ehelkiisa.
Labo toddobaad kaddib sacdiya waxay kasoo degatay garoonka Joomokenyaati ee Nairobi.
Waxaa halkaas ku sugayay Suleymaan iyo wiilal ay qaraabo ahaayeen.
Isla markii sacdiyo waxay usoo kexeeyeen Gaarisa.
Waayo Suleymaan waalidkiisa waxay deganaayeen magaalada Gaarisa.
Sacdiyo halkaas ayay ku baratay qaraabada Suleymaan iyo labadiisa waalid iyo walaalihiisa.
Si fiican ayaa loo soo dhoweeyay. martisoor fiican baa loo sameeyay.
Sacdiyo waxay joogtay toban maalmood kaddib waxay ku laabatay maraykanka.
Waxay ku heshiiyeen meherka in lagu qabto Nairobi afar bilood kaddib.
Sacdiya Abbaheeda iyo hooyadeeda waa hore ayay dhinteen. Waxaa joogo kaliya waalaheeda.
Walaalahana waxay ku kala noolaayeen magaalada Muqdisho iyo dalka Sacuudiga.
Markay u sheegtay dhammaantooda way oggolaadeen inay guursato.
Marka la gaaray waqtiga guurka sacdiya waxay timid nairobi.
Waxaa yimid sidoo kale walaalkeeda kan ugu weynaa si uu nikaaxa u joogo.
Guurkii ayaa dhacay. Aroos fiican ayaa loo dhigay.
Iyada iyo Suleymaan Waxay ku aqalgaleen Nairobi waxay isla joogeen bil iyo bar.
Kaddib Sacdiyo waxay ku laabatay Maraykanka.
Sacdiyo marka xoogaa ay joogtay waxay bilowday inay usoo dooddo si ay u waddo ninkeeda.
Waxay bilowday boroseeska viisaha.
Waqti ayuu qaatay. ugu dambeyn Suleymaan wuxuu helay Viisa.
Wuxuu usoo wareegtay Maryakanka.
Wuxuu bilaabay shaqo fiican. Illeen isaga wuxuu ku fiicnaa afka ingiriiska.
Jaamacadna kenya ayuu kaga soo baxay. Taas waxay u fududeysay inuu shaqo helo.
Labadooda nolol jacayl iyo raaxo ayay heleen.
Sanad kaddib uur ayay qaadday Sacdiyo waxay dhashay gabar waxaa loo bixiyay Qamar.
Laakin noloshooda waxaa soo dhexgashay gabar ay Suleymaan isku beel ahaayeen oo uu ku bartay meesha uu joogay.
Waxay ahayd gabar lasoo furay. Garoob ayay ahayd. Waxaa la dhihi jiiray Fartuuun. Suleymaan markay baratay waxay damacday inuu iyada guursado.
Laakin waddo ayay raadisay ay gurigiisa ku burburiso.
Waxay tiri I bar xaaskaaga. Suleymaan wuxuu ahaa nin iska daacad ah wuxuu ku yiri waa yahay.
Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu u sheegay xaaskiisa Sacdiyo inuu barayo gabar isku qabiil ay yihiin oo deggan isla magaalada ay iyaga deggan yihiin.
Sacdiyo way ka oggolaatay.
Habeen ayay ballamiyeen guriga ayay timid meesha ayaa laysku bartay casho ayaa loo sameeyay.
Fartuun markay aragatay Sacdiyo xaasidnimo ayay ku bilowday. Suleymaan waxay u quuri weysay naagtan quruxda badan oo joogga leh oo dambeedka weyn.
Waxay dareentay inay is jecel yihiin.
Waxay bilowday inay ku dirto ninkeeda oo ay labadooda ka dhexkiciso fidno.
Waxay ka fikirtay qorshe uu ku naco Suleymaan Xaaskiisa Sacdiyo.
Qorshahaas wuxuu ahaa mid aad u xun.
Fartuun guriga Sacdiya ayay u badneyd saaxiibo ayay noqdeen sirteeda oo dhan ayay u sheegan jirtay. Wax badan ayay ka ogaatay oo ay guriga kaga dumin karto iyadoon la fahmin.
Habeen waxay ku ballamisay guriga Sacdiyo nin iyada ay isgaranayeen wuxuu ahaa nin soomaali oo xun darooga cabbo.
Ninkii guriga markuu soo garaacay ayay ka furtay waxay tiri waa wiil aan aqaano dan buu iga leeyahay waxaan ku iri halkan iigu imow.
Sacdiyo qof iska daacad ayay ahayd waxay soo dhoweysay wiilkii waxay u keentay shaah.
Meesha ayay isku barteen.
Ninkeedana wuu maqan yahay guriga ma joogo.
Fartuun kaddib ninka Waxay u sheegtay inuu Sacdiyo shukaansan karo. waayo waa naag caadi ah laga qabsan karo. Laakin waxay ku tiri iska dhig nin caadi ah.
Wiilkii wuxuu bilaabay inuu Sacdiyo lasoo hadlo oo taleefan usoo diro.
Sacdiyana way iskala sheekaysan jirtay.
Habeen Sacdiyo waxay ku tiri ninkii adiga iyo Fartuun ayaan idin martiqaadayaa xaflad baan samaysan doonnaa.
Waxaa dhacday arrin yaab leh oo burburisay mustaqbalka Sacdiya.
Wiilkii iyo Fartuun ayaa yimid guriga.
Marka la sheekaystay ayaa sawiro laga fiican yahay laga qaaday.
Ninka oo ag fadhiyo Sacdiyo iyadoo dirac kaliya wadato.
Waxaa qaadday Fartuun.
Labo maalmood kaddib fartuun waxay soo samaysay akoonti feek jii mail ah. Waxay usoo dirtay sawirada sacdiyo suleymaan.
Suleymaan wuu naxay markuu arkay gurigiisa oo nin joogo oo waliba ag fadhiya xaaskiisa oo dirac kaliya wadato. wuxuu u yimid sacdiyo asoon sawirada tusin ayuu ku yiri gurigan dad maa keentay?
Waxay dhahday. maya fartuun kaliya ayaa isoo booqan jirtay.
Markaas ayuu tusay sawirada laga qaaday oo isaga loo soo diray. Sacdiyo way naxday illeen ma ogeyn marka laga qaadayay sawirada.
Suleymaan kalsoonida ayaa ka burburtay.
Wuu kasoo tagay guriga wuxuu wacay Fartuun wuxuu u sheegay wixii dhacay.
Fartuun ma aysan muujinin inay iyada waxaas ka dambeyso.
Waxay tiri. Aniga waanba ogaa Sacdiyo inay xumayd laakin ma doonaynin inaan nin iyo xaaskiisa dhexgalo.
Waxaan kula talinayaa inaad iska furto waayo sumcaddaada ayay hallaynaysaa.
Suleymaan sidaas ayuu ku furay Sacdiyo.
Jacaylkii macaanaa sidaas ayuu kharaar ku noqday.
Marka gurigaaga aad soo galiso naag xaasid ama naag garoob sharafta ka dhacady natiijada waa sidaas.
Qaladka waxaa iska lahaa qof kaste iyaga ka mid ah oo aan ku baraarugin inay khayaano imaan karto.
Dumarka guryaha dumiya aad bay u badan yihiin.
Xattaa gabadha walaashaada way kaa dumin kartaa guriga haddii ninkaaga ay ka hesho ama ay dareento inuu ka fiican yahay ninkeeda.

Dhagarta dumarka intay la eg tahay sheeko yar

Saadiyo Diiriye is a Somali girl who lived in the United States.
Saadiyo is an educated girl. She graduated from university in the United States.
Saadiyo grew up in a slumber party until she was thirty-three years old.
You know, Somali men don’t like women over thirty. Especially men who are new to marriage. They usually look for girls in their late twenties or a little over.
Saadiyo, being an educated girl, rejected many older and married men who asked her to dress up.
Some of these people were also rich people.
She was looking for a man her age or a little older and unmarried.
Finally, she met a boy who lived in Garissa town, a handsome and handsome man.
That boy was called Suleyman Haji Dahir.
The boy was just what she wanted, he was thirty-four years old. He was only a year older than her.
He was a romantic boy. He and Saadiyo had a good conversation.

The boy had finished university. He knew English very well. He graduated from a university in Kenya.
The boy was an active and talented man. Saadiyo loved him very much.
She reached a point where she could not sleep without talking to him on the phone.
They agreed to get married. Saadiyo told the boy that she would pay all the expenses. He did not want anything from him.
Because he was a person who did not have good money. He had not yet found a good job in Kenya.
Before the wedding, Saadiyo told Suleyman that she would come to Kenya to meet his relatives.
Two weeks later, Saadiyo landed at the Jomokenyaati airport in Nairobi.
Suleyman and his relatives were waiting for her there.
Immediately Saadiyo took him to Garissa.
Because Suleyman’s parents lived in Garissa.
There, Saadiyo met Suleyman’s relatives, his two parents and his siblings.
She was well received. She was treated well.
Saadiyo stayed for ten days and returned to the United States.
They agreed to hold the wedding in Nairobi four months later.
Saadiyo’s father and mother had long passed away. Only her siblings were there.
Her siblings lived separately in Mogadishu and Saudi Arabia.
When she told them, they all agreed to marry her.
When the time came for the wedding, Saadiyo came to Nairobi.
Her eldest brother also came to attend the wedding.
The wedding took place. A beautiful wedding was planned.
She and Suleyman got married in Nairobi and stayed together for a month and a half.
Saadiyo then returned to the United States.
After Saadiyo had been there for a while, she began to invite her to accompany her husband.
She began the visa process.
It took time. Finally Suleyman got a visa.
He moved to the United States.
He started a good job. Because he was good at English.
He graduated from a university in Kenya. This made it easier for him to get a job.
They both had a life of love and comfort.
A year later, Saadiyo became pregnant and gave birth to a daughter, who was named Qamar.
But their life was interrupted by a girl from Suleyman’s same tribe who he met where he was.
She was a divorced girl. She was a Garoob. They said she was a jiray Fartuun. When Suleyman met her, he wanted to marry her.
But she found a way to destroy his house.
She said, “Tell me your wife.” Suleyman was an honest man and he said yes.
One day, he told his wife Saadiyo that he was going to teach a girl from their same tribe and who lived in the same city as them.
Saadiyo agreed.
They made an appointment at night and came to the house where they met and a dinner was prepared for them.
When Fartuun saw Saadiyo, she became jealous. Suleyman could not resist this beautiful, tall woman with a big butt.
She felt that they loved each other.
She began to send messages to her husband and stir up a quarrel between them.
She thought of a plan to make Suleyman hate his wife Saadiyo.
That plan was very bad.
Fartuun often visited Saadiyo’s house, they became friends and she would tell her all her secrets. She knew a lot about him and could destroy the house without being understood.
One night, she made an appointment at Saadiyo’s house with a man she knew, a Somali man who was a bad drug user.
When the man knocked on the door, she opened it and said, “This is a boy I know, he is interested in me, I told him to come here.”
Saadiyo was a loyal person and welcomed the boy and brought him tea.
They met there.
Her husband was also absent and not at home.
After Fartuun, she told the man that Saadiyo could date him. Because she was a normal woman who could be caught. But she told him to pretend to be a normal man.
The boy started talking to Saadiyo and texting him.
Saadiyo used to chat with her.
One night Saadiyo told the man that I am inviting you and Fartuun to a party.
A strange thing happened that destroyed Saadiyo’s future.
The boy and Fartuun came to the house.
After they talked, some good pictures were taken.
The man was sitting next to Saadiyo with only a dirac.
Fartuun took them.
Two days later Fartuun created a Facebook account. She sent the pictures to Saadiyo Suleyman.
Suleyman was shocked when he saw a man in his house, sitting next to his wife, who was wearing only a scarf. He came to Saadiyo Asoon and showed her the pictures. He said, “Did you bring people to this house?”
She said, “No, only Fartun used to visit me.”
Then he showed her the pictures that were taken and sent to him. Saadiyo was shocked because she did not know when the pictures were taken.
Suleyman’s trust was shattered.
He left the house and called Fartuun and told her what had happened.
Fartuun did not reveal that she was behind it.
She said. I knew Saadiyo was bad but I did not want a man and his wife to interfere.
I advise you to divorce her because she is ruining your reputation.
Suleyman divorced Saadiyo like that.
The sweet love was ruined like that.
When you bring a jealous woman or a woman who has lost her honor into your house, the result is like this.
The fault lies with each of them who did not realize that betrayal could occur.
There are many women who destroy homes.
Even your sister’s daughter can destroy your home if she finds out about your husband or feels that he is better than her husband.

 

Leave a Reply