Categories
Bulsho Society

Gabdhaha lacagta jecel dhibka kaaga imaan karo haddaad guur rabto

Gabar ayaa hadal soomaalida ay la yaabeen tiri.
Waxay sheegtay marka nin ay is shukaansanayaan waxaa laga rabaa ninkaas inuu bixiyo lacag xilliga ay is shukaansanayaan.
Waxay taas ka waddaa hadalka ninka markuu naag la sheekaysanayo ninka wuu ku raaxaystaa. Marka waxay leedahay bilaash inuu ku raaxaysto ma aha. Waa inuu lacag bixiyaa.
Sida la og yahay dumarka taas way ku kala duwan yihiin.
Dumar waxaa jiro markay ragga la sheekaysanayaan lacag weyddiisto. Waliba lacag kaash ah.

Gabdhaha lacagta jecel dhibka kaaga imaan karo haddaad guur rabto
Gabdhaha lacagta jecel dhibka kaaga imaan karo haddaad guur rabto

Qaar waxay ninka ka dalbanayaan haddiyad. Qaar waxay mar walba dhahaan caawo makhaayad qaalli ah na geey.
Naagaha qaarkooda ninka qarasha inay galiyaan kama helaan.
Waxay u dhaqmaan nin walaal oo kale. Qaarna ninka waxay ka dhigtaan bangi oo kale.
Mar walbo waxay leedahay waxaas ayaan u baahanahy
Nin waxaan garanayaa gabar is barteen. gabadha aad ayay usoo jiidatay.
Ninkaas gabadhii waxay bilowday lacag badan inay mar walbo ka deynsato.
Wiilkii heer wuxuu gaaray inuu siiyo wixii lacag uu haystay.
Wiilka wuxuu ahaa nin ganacsade oo lacag haysto.
Naagtii lacag badan ayaa ka gashay.
Naagtaas wiilka marka uu ka dalbaday inay usoo guddo lacagta.
Waxay ku tiri: aniga lacag ma hayo. Ka warran haddaad I guursato.
Wiilkii wax uu sameeyo ayuu garan waayay.
Ugu dambeyn wuxuu oggolaaday inuu guursado.
Markuu la aqalgalay dagaal ayay ku kicisay.
Nin kale ayaa sugayay oo guur ay ka ballanqaadday.
Ninkii iyo iyada dagaal ilaa uu ka furo.
Sidaas ayay lacagta ku dhaafsiisay.
Naagaha qaar habkaas ayay lacag ku raadiyaan. Shukaansi been intay ninka galiyaan ayay jeebkiisa ka lisaan lacag badan.
Taas wax jacayl la dhahaayo ma garanayso. Waxay taqaanaa kaliya nin lacag leh.
Kuwaas oo kale mararka qaar nin kale ayay u dhiibaan bahalka haddii ay lacag ka heli karaan.
Waligaa iska ilaali naag lacag ka dambeyso.
Gabadha nadiifka ah lacag laguma soo jiidan karo.
Marka waxaa dhacday naag qurux badan ayaa nin guursaday. naagtaas waxay ahayd mid lacagta aad u jecel oo ku dhimanayso oo aan la marsiin karin wax aan lacag ahayn.
Nin oo yurub ka yimid ayaa ku arkay meel u dhow hoteel jaziira wuxuu ku yiri: abbaayo waxaan rabaa makhaayadda cali samiir.
Waxay ku tiri: halkaas ayay ku taallaa.
Wuxuu ku yiri: waad mahadsan tahay.
Waxay tiri. adaa mudan. Wuxuu ku yiri. hadal ma kuu sheegi karaa oo qalbiga aan ku hayo.
Waxay tiri. haa waad I dhihi kartaa.
Wuxuu yiri. waad qurux badan tahay.
Waxay tiri. haddaan layqabi lahayn I guurso ayaan ku dhihi lahaa.
Wuxuu yiri ninka. adoo lagu qabo ayaan sheekaysan karnaa.
Wiilkii naagtii la qabay ayuu shukaansi ku bilaabay.
Ugu dambeyn ninkeeda ayay iska soo furtay.
Waxayna ku raacday lacag.
Marka dumarka lacagta jecel waa masiibo.

Shukaansiga qaldan iyo kan toosan

A young woman made a statement that surprised many Somalis.
She asserted that when a man is courting a woman, he is expected to spend money during that period.
Her reasoning is that a man derives pleasure from conversing with a woman, and she believes he should not enjoy that pleasure for free; he ought to pay.
Of course, women differ in their approaches to this matter.
There are women who ask men for money—specifically cash—while conversing with them.
Some demand gifts, while others constantly insist on being taken to expensive restaurants.
Some women do not expect men to spend money on them at all;
they treat the man like a brother, whereas others treat him like a bank.
They are always saying, “I need this” or “I need that.”
I know a man who met a young woman; he was deeply attracted to her.
The woman began constantly borrowing large sums of money from him.
The young man eventually gave her all the money he had.
He was a businessman with financial means.
He ended up spending a great deal of money on her.
When he finally asked her to repay the money,
she told him, “I don’t have the money. How about you marry me instead?”
The young man did not know what to do.
In the end, he agreed to marry her. Once she moved in with him, she instigated conflict.
Another man was waiting for her, having received a promise of marriage.
She kept fighting with her partner until he divorced her.
That is how she walked away with the money.
Some women seek money in this manner; they lure a man with a fake romance only to drain his pockets.
They have no concept of love; they only care about a man with money.
Such women will sometimes even offer themselves to another man if there is money to be gained.
Always beware of a woman who is driven by money.
A decent woman cannot be lured by money.
So, a beautiful woman—one who was obsessed with money and could be swayed by nothing else—married a man.
A man arriving from Europe saw her near the Jazeera Hotel and asked, “Excuse me, I’m looking for the Ali Samir restaurant.”
She replied, “It’s right over there.”
He said, “Thank you.”
She answered, “You’re welcome.” He then said, “May I share something that’s on my heart?”
She said, “Yes, go ahead.”
He said, “You are beautiful.”
She replied, “If I weren’t already married, I would tell you to marry me.”
The man said, “We can still talk, even though you are married.”
He began courting the married woman.
Eventually, she divorced her husband.
She chose him for his money.
Truly, women who are obsessed with money are a disaster.

Leave a Reply