Asc gabar Xaas ah ayaa waxay ku riyootay Walalkeed oo dhintay iyadoo la leeyahay tacsi ayaa idin taal oo iyada iyo walaasheed ay ooynayaa sidoo kale suurada Walalkeed la tusinayo isaga oo meydkiisa La keenay.
Jawaabta:
Riyada walaalka dhimanaayo wax badan ayaa lagu fasiraa xaaladba xaaladda kale way ka duwan tahay, gabar xaas ah hadday aragto walaalkeeda oo dhintay waa riyo tilmaamaysa inay ka towbad keeni doonto dhamaan dambiyada, waxaa kaloo lagu fasiraa haddii deyn lagu leeyahay inay deynta iska gudi doonto, haddii qof familkooda ka maqanaa oo aan war laga haynin inuu usoo laaban doono reerka, guud ahaan riyada waa riyo bishaaro tilmaamayso ee ma sida ka muuqata oo cabsida leh.