Site icon Daruur درور

Gabar wadaad oo xijaabka ka hadlayso

Gabar wadaad oo xijaabka ka hadlayso

Gabar wadaad oo xijaabka ka hadlayso
Gabar wadaad oo xijaabka ka hadlayso

Gabar wadaad oo ka hadlaysa shuruudaha xijaabka haweenka.

waa muuqaal video ah oo ay ugu muxaadaraynayso gabadhan

halkan ayaad ka daawan kartaa muuqaalka:

Sida la og yahay xijaabka waa waajib Ilaahay faradyeelay.

gabadha marka ay qaangaarto waxaa ku waajibaya inay iska xijaabto raga ajanabiga ka ah.

xijaabka waa inuu ahaadaa mid jirka oo dhan daboolaya.

waa inuu ahaadaa mid adag aan khafiif ahayn sida diraca laga dhex arko jirka haweenka.

sidoo kale waa inuusan ahayn mid jirka ku dhegan  oo sawiraya naasaha iyo dabada iyo caloosha.

culimada muslimiinta iskuma khilaafsana inuu yahay xijaabka waajib.

kaliya waxa isku khilaafsan yihiin niqaabka ama indha shareerka.

qaar ka mid ah waxay qabaan inuu yahay niqaabka waajib qaarna waxay qabaan inuu yahay indhashareerka suno.

si kaste ha ahaatee gabadha waxaa waajib ku ah inay jirka asturto.

Gabar waano usoo jeedisay gabdhaha niikada soo duubo

Exit mobile version