Site icon Daruur درور

Gabar qaraabo aan nahay ayaa i jecel ila taliya

Su’aasha:

SC wan idin salaamay aniga waxan ahay wiil dhalinyar ah waxaan jiraa 24 sano, waxaa jirta gabar yar aan qaraabo nahay oo aad iiga heshay, taasna ma qarsoona wejigeeda ayay ka muuqataa iyo qaabka ay iigula hadasho sido kale waxan arkay sidey igu soo dhowaanayso mar waxay igu tiri sheeko ayaan ku hayaa laakin fursad ay u weysay oo ay iigu sheegto waxaan ka cabsanayaa inay igu tiraahdo waan ku jeclahay ama waan kaa helay iyaduna wali waa inan da’ yar anigana ma kama helin mana jecli maxaan sameeyaa ii sheega idinkoo mahadsan.

Gabar qaraabo aan nahay ayaa i jecel ila taliya
Gabar qaraabo aan nahay ayaa i jecel ila taliya

Jawaabta:

Jacaylka noocan ah ma aha mid sax ah, qofka marka uu soo qaangaarayo gabar ama wiil ha ahaado, si dhaqsi ayuu ku jeclaanayaa wax walbo, jacaylka noocaas ah wuxuu ku dhisan yahay caadifad aan fiiro la soconin, laakin qofka marka uu weynaado oo wax badan nolosha ka ogaado qaabka uu u fikirayo wuu isbaddalayaa, sidaa awgeed waxyaalo badan ayuu ka noqonayaa uu aaminsanaa marka uu dhalinyar ahaa.

sidoo kale dumarka marka ay yar yihiin si dhaqsi ayaa lagu siri karaa beenta si fudud ayay ku qaataa, waxaa laga yaabaa wiil ay hadda baratay aabbaheeda inay ka doorato.

marka waxaan kula talinaynaa inaad ka fogaato gabadha noocaas ah, haddii ay ku jeceshay waxaa laga yaabaa inay xumaan kugu riddo oo shaydaan kaa tan badiyo.

naagta marka ninka ay jeclaato wax badan ayay ku samaynaysaa dartiisa, immisa dumar ku hallabay wadaadaas beenta ah.

Exit mobile version