Gabar ii shaqeynaysay 7 doolar igu leh dhar aan u iibiyay ma u qaadan kartaa

Su’aasha:

Asc walaha daruuro ciideanagsan walla bal su aashaan iga jaahilbixiya
gabaryar oo shaqaala ah ayaa naag gabdhaha kiraysa iga kiraysay 12$ ayay iga qaadatay markay ii kenaysay iyadoo dharwadan bay ii keentay markaan dhar badan ugaday 2bil iyo habeno ilajoogtay ayya naag kale lacag kaga qaadatay waxayna igi tiri soo dir ehelkeedaa soobbarayaaye 2 bari lamaqnayd markay timidna shaqo marbo wan tagabay idhahay su aashayda waxa weeye ani qarsh badanbaa iga galay markaa $7 ayay igu yeelatay anina waan u diiday maadaamoo dharkay wadato uu qarsh badan iga galay lacagta ay kushaqayso aabaheed baa qadanayay ani waxaan ugaday dhar isku jogyo ah waxan ugu gaday waxay ahayd in ay idhaheen lagama kaxaysanayo mana dhicin markaa lacagtaa aan u diiday danbi miyaa iga imaanaya aakhiro maadaamoo dharkaygii oo cusub qaar ladhiqin wadato.

Gabar ii shaqeynaysay 7 doolar igu leh dhar aan u iibiyay ma u qaadan kartaa
Gabar ii shaqeynaysay 7 doolar igu leh dhar aan u iibiyay ma u qaadan kartaa

Jawaabta:

Dharka aad u gadday heshiiska kuma jirin, waa ixsaan iyo samafal xaggaaga ka yimid saan ka fahmay hadalkaaga, marka dharkaas ha ku xirin waxa ay kugu leedahay iska sii, hadduu meesha shardi kale idin ka dhexeeyo jirin, haddii ay maalmo kaa maqanayd oo qarashkoodana aad bixisay waad la xisaabtami kartaa, haddii xaqqaada meesha ku lumay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More