Gabar guursan rabto beenlow hanti leh oo talo u baahan

Gabar guursan rabto beenlow hanti leh oo talo u baahan

Su’aasha:

scw bahda daruur wan idin salamay waxan u bahanay iinaa leyga jahilbixiyo raga beenta badan ma dhaqan karan guri , waxan maqlay ninka iy naagtisa been inay isu sheegi karan, maxad kula talin laheden gabadhi jeclaato nin beenlow ah oo hanti leh.

Gabar guursan rabto beenlow hanti leh oo talo u baahan
Gabar guursan rabto beenlow hanti leh oo talo u baahan

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa beenta inay ka mid tahay dhaqamada ugu xun, beenna guri laguma dhiso, ninkii been barto kama hari karo waa cudur xun oo bulshada hallaynaya, siiba marka ay tahay beenta mid weyn oo keeni karta fasahaad daran. Marka laga soo reebo beenta aan masiiriga ahayn nin xaaskiisa oo guriga kula nool oo arrin ku dejin rabo ama labo qof is dagaalsan ku heshiisin rabo, sida asoo labadoodaba ku dhahayo hebel diyaar buu u yahay inuu kula heshiiyo, beenta noocaas ah culimada way fasaxeen iyagoo u cuskanaya xadiiskan:

(ليسَ الكَذَّابُ الذي يُصْلِحُ بيْنَ النَّاسِ، فَيَنْمِي خَيْرًا، أوْ يقولُ خَيْرًا). المصدر

(Beenlow ma aha qofka dadka heshiisinaya oo kheyr keenaya ama khayr sheegaya)

Xadiiska waxaa saxiix Bukhaari ayaa wariyay, macnaha waxaa laga wadaa hadalka wanaagsan oo lagu xeeldheeraanayo ee lagama wado been fasahaad keeni karta ama wax hallaynaysa, ama khiyaano ku dhisan, laakin qofka marka uu qaato sifada beenaale ama beenlow waa qof dhaqan ka dhigtay hadalka beenta, qofkaas wax kaste ayaa ka suuroobaya.

Waxaa u fiican gabadha rabta inay guursato nin beenlow ah inay ka fikirto oo ay ka laabato go’aankaas haddaad guursan lahayd nin beenlow ah oo lacag leh waxaa kaaga fiican nin faqiir ah oo runlow ah.

 

Gudniin suno kabiir la dhaho ma jiraa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More