Gabar ayaan video xun ka qaaday sideen uga towbad keenaa

Gabar ayaan video xun ka qaaday sideen uga towbad keenaa

Su’aasha:

Gabar ayaan is baranay si daran ayay ii jeclaatay online ayaan ku shekaysan jirnay waxan ka codsay inay isoo dirto video iyadoo qaawan sidoomkale sawiro, wayna ii sameysay mudo kadib waan nacay waana ka tagay waxay u sheegay guur inan diyaar u ahayn, kadib gabar qaraabo aan nahay ayaan doontay waa la i siiyay, gabadhii hore way maqashay, aad ayaan uga murugsanahay arintaas aan ameeyay, waxan ka murugsanahay khiyaanada aan khiyaanay gabadhii hore maxan sameyaa ila taliya.

Gabar ayaan video xun ka qaaday sideen uga towbad keenaa
Gabar ayaan video xun ka qaaday sideen uga towbad keenaa

Jawaabta:

Waxaa aad khalad u ah gabar walaashaada muslin ah inaad sidaas u gasho, oo aad ka dalbato sawiro qaawan, waa dambi aad u foolxun, marka hore waa inaad Ilaahay u noqoto oo aad dambidhaaf weyddiisato, illeen falka aad sameysay waa mid xun, marka labaad waxaa kugu habboonayd inaad iyada guursato oo aad u ceeb asturto, waayo waxaad ka jabisay qalbiga marna ma illaawayso xumaanta aad ku samaysay, laakin marka aad guursato oo aad ka towbad keentaan dmabiga labadiina ayuu idinku eg yahay, laakin hadda adiga marka aad guursato naag kale qalbigaaga kama baxayso inaad gabar si xun aad u gashay, iyadana marka ay nin kale guursato waxaa daba taagnaanaya inay tahay naag xun oo jirkeeda nin kale si xaaraan ah ugu raaxaystay, mar kaste waxay ka fikiraysaa muuqaalada qaawan oo gacanteeda ka baxay, marka waxaa waajib kugu ah inaad tirtirto wixii video aad ka haysto gabadha sidoo kale wixii sawiro qaawan aad ka hayso, inaadan dad kale waxaas tusinin, inaad ka towbad keento dhamaan dambiyada aad gashay.

sidoo kale waxaa laga rabaa gabar kaste inay iska ilaaliso raga xun xun oo raba inay jirka dumarka ku raaxaystaan, gabdhaha Facebook iyo Youtbe iyo Snapchat dhamaan waxay ku jiraan halis kusoo socoto jirkooda iyo sumcadooda, naagta marka laga qaado video qaawan waa iyadoo la dilay oo kale, waxay noqonaysaa qof ay caddahay xumaanteeda, waxaaba laga yaabaa inay halis gasho oo familkeeda ay dilaan siiba walaalaheeda.

A girl sent me bad video, how I will go to remove this sin?

It is very wrong for your Muslim sister to do that, and to ask for nude pictures from her, it is a very heinous crime, first of all you should turn to God and ask for forgiveness, because what you did is bad, secondly you should have married her and hidden your shame, because you broke her heart and she will never forget the wrong you did to her, but when you get married and repent, the sin is the same for both of you, but now when you marry another woman, it will not leave your heart that you have done that girl badly, and when she marries another man, it will be followed by the thought that she is a bad woman who enjoyed her body illegally with another man, every time she thinks about the nude pictures that came out of her hand, so it is your duty to delete any video you have of the girl as well as any nude pictures you have, not to show this to other people, to repent for all the sins you have committed.

Every girl is also required to avoid bad men who want to enjoy women’s bodies.

Girls on Facebook, YouTube, and Snapchat are all at risk of losing their bodies and reputations. When a woman is filmed naked, it is like being killed. She becomes a person whose evil is obvious. She may even be in danger of having her family killed, especially her siblings.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More