Gabar hadii aysan ku jecleen maxaa lagu garan karaa?
side baan ka yeelaa gabar aan I jecleen anigana guur aan ka rabo.
haddii aan guursado gabar aan I rabin malaga yaabaa inay I jaclaato mustaqbalka
Jawaabta
Guurka cayaar ma aha, jacaylka aad sheegeyso inta badan been buu ku dhisan yahay, teeda kale naag aan ku rabin maxaad ka guursanaysaa, ixsaan ayay kuu samaysay haddii ay kuu sheegtay inaysan ku rabin.
caalamadda lagu garto naag haddii ay ku jeceshay maxaa ka mid ah: warkaaga ayay yeelaysaa way ku ixtiraamaysaa way ku qiimaynaysaa, been kuuma sheegayso, guur ayay kaa dalbanaysaa adoon waxba haysanin, waalidkeeda ayay ka dhaadhicinaysaa inay ku ogolaadaan, naagta marka ay ku jeclaato maba qarin karto jecaylka, waxaa laga yaabaa naagta inay qariso nacaybkaaga.