Site icon Daruur درور

Gabadhayda aad ayay ii neceb tahay ila taliya

Su’aasha:

scw gabadhayda aad ayay ii neceb tahay waxan u malaynayaa sabata markay yarayd ayan aad u garaci jiray si xun ayaan ula dhaqmi kray markay soo weynaatay cuqdad ayaa ii qaaday, hadda waxay noqotay qof hadal iga maqli cay iyo aflagaado ayay igula dhaqmaysaa.

Gabadhayda aad ayay ii neceb tahay ila taliya
Gabadhayda aad ayay ii neceb tahay ila taliya

Jawaabta:

Dhaqanka ay hadda la timid waxaa laga yaabaa inuu ka dhashay sida aad ula dhaqmi jirtay, teeda kale gabadha waxay u baahan tahay in wax la fahansiiyo naxariis inay kaa dareento, waxaa xal kuu ah inaad u dhowaato oo aad uga sheekayso wixii dhacay inaad saxdo wixii horay kaaga fakaday oo aad kalsooni siiso, isku day inay illowdo waxa dhacay, waxaa kaloo aad eegtaa dadka qaraabada ama deriska oo laga yaabo gabadhaada inay dhaqankeeda baddalayaan oo ay uga sheekaynayaan wixii hore, mararka qaar dad ayaa sun ku afuufa ubadka oo iska dhiga inay jacayl u qabaan oo ay ka talinayaan maslaxaddooda.

Exit mobile version