Site icon Daruur درور

Gabadh u nin guursanayo inay gabadhu fiican tahay muxu ku garan kara

Su’aasha:

A S C, Marka hore wan idin salaamay bah’da daruur kadib su’aashan qabo waxa weeyan, Nin gabadhu rabo inu guursado marka gabadhaas inay ahayd gabadh sharafteda ilaashan jirtay o rag badan xidhadh ayina lasoo sameen muxu ku garan karaa, waayo gabadh walba iyo wiil kasti guurka horti madamay wanaag iyo fiicni aysan lahayin iska tuusan.

Gabadh u nin guursanayo inay gabadhu fiican tahay muxu ku garan kara
Gabadh u nin guursanayo inay gabadhu fiican tahay muxu ku garan kara

Jawaabta:

Walaal marka hore waxaad ogaataa qofka fiican oo dhowrasn wuxuu helayaa qof isaga la mid ah taas aad bay u badan tahay.  wuxuu yiri Alle (S):

(الْخَبِيثَاتُ لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖ وَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ)

(Haweenka xun waxay u sugnaadeen Nimanka xun, raga xunna waxay u sugnaadeen dumarka xun,  dumarka wanaagsanna waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, kuwaasna (Caa’isha iyo Ehelkeedu) waa ka bari (dheeryihiin) waxay sheegi, waxayna mudan dambidhaaf iyo rizqi sharaf leh (Janno)). rd

Teeda kale astaamo badan ayaa lagu garan karaa gabadha wanaagsan oo dhowrsan, waxaa ka mid ah astaamahaas, inay tahay gabar af gaaban oo aan raga ku degdegin, sidoo kale gabar gurigeeda u badan oo aan wareeg iyo waabatiris aan ku jirin, sidoo kale gabar dhuuni aan ahayn, waxaan ka wadaa dhuuni aan ahayn, gabdhaha lacagta aadka u jecel iska ilaali waayo lacagta wax kaste bay u huraan.

Waxaa kaloo jiro astaamo xagga dhaqanka diinta gabadha salaadda ku dadaasha oo Quraanka akhrisata oo aan kibir iyo faan garanaynin inta badan way dhowrasn tahay jirkeedana wuu ilaalsan yahay.

Marka intaas oo dhan waxaa ka horreysa inaad Alle weyddiisato inuu kuu sahlo gabar suuban oo dhowrasn.

Exit mobile version