Gaalka markuu soo islaamo qubeys miyaa ku waajibaya

Gaalka markuu soo islaamo qubeys miyaa ku waajibaya

Su’aasha:

Walaal qofka diinta islaamka soo galaya ee tawxiidka loo qabanayo ma shardibaa inuu soo maydho/qubaysto

Gaalka markuu soo islaamo qubeys miyaa ku waajibaya
Gaalka markuu soo islaamo qubeys miyaa ku waajibaya

Jawaabta:

Qofka gaalka markuu soo islaamo sida xoogga badan oo culimada badankooda ay qabaan waxaa ku waajibaya qubeys, taas macanaheeda ma aha hadduusan qubeysanin inuusan islaami karin, waxaana loo daliilsaday axaadiis kusoo aroortay arrintaas waxaa ka mid ah:
Xadiiska Abuu Hureyra (RC) ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim:

(أن ثمامة بن أثال رضي الله عنه أسلم، فقال النبي صلى الله عليه وسلم: اذهبوا به إلى حائط بني فلان، فمروه أن يغتسل)  المصدر

(Thumaama bin Uthaal (RC) ayaa soo islaamay wuxuu yiri nabiga (SCW): aseendada reer hebel geeya ee fara inuu soo qubeysto)

Waxaa jira xadiis kale Nasaa’i iyo culimo kale ay wariyeen:

 

(عن قيس بن عاصم: أنه أسلم فأمره النبي صلى الله عليه وسلم أن يغتسل بماء وسدر)  المصدر

(Waxaa laga wariyay Qeys bin Caasim inuu soo islaamay markaas nabiga (SCW) uu amray inuu ku qubeysto biyo iyo geedka gobka)

Culimada qaarkooda waxay u arkaan qubeyska gaalka markuu islaamka soo galo inuu sunno yahay oo uusan waajib ahayn.

 

Af urka marka hurdada lagasoo kaco maxaa keena

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More