Futada xaaskaga farta inaad galiso may banan tahay

Futada xaaskaga farta inaad galiso may banan tahay

Su’aasha:

Futada xaaskaga farta inaad galiso may banan tahay.

Futada xaaskaga farta inaad galiso may banan tahay
Futada xaaskaga farta inaad galiso may banan tahay

Jawaabta:

Ninka marka uu naagtiisa la raaxaysanayo jirkeeda wuu ku raaxaysan karaa laakin inuu galiyo farta dabada culimada qaar waxay u arkeen inay xaaraan tahay maxaayeelay waxay keenaysaa inuu galiyo geedkiisa marka uu ka helo, sabab ayay u noqon kartaa galmada gadaal, qaarna waxay u arkeen in karaaho ay tahay karaahada iyo xaaraanta farqi yar ayaa u dhexeeya xaaraanta qofka waa ku dambaabayaa, hadduu sameeyo dambi baa loo qorayaa, hadduu ka tagana ajir, karaahadana dambi ma aha laakin hadduu iska dhaafo ajir ayuu ka helayaa, waxaana daliilka u dhow inay karaaho tahay maxaayeelay wax marka xaaraan laga dhigayo waa in daliil cad loo helaa oo toos ugu soo arooray, haddii la xarimay galmada dabada waa marka ninka uu geedka galinayo laakin farta waxay soo gali kartaa istiinka ee galmo ma aha.

Culimada way baneenyeen ninka inuu ku raaxaysto afka dabada sida kutubta fiqiga kusoo aroortay, laakin waa inuu iska ilaaliyaa inuu ku fakado:

(وَقَوْلُ الْإِمَامِ وَالتَّلَذُّذُ بِالدُّبُرِ بِلَا إيلَاجٍ جَائِزٌ كَالصَّرِيحِ فِيهِ وَخَالَفَ الدَّارِمِيُّ فَقَالَ بِحُرْمَةِ النَّظَرِ إلَيْهِ)

(Hadalka imaamka oo ah: in lagu raaxaysto dabada xaaska (barida) iyadoon la galinin way bannaan tahay waa sida hadal qeexan oo kale, oo ah in la fiirin karo cowrada xaaska, laakin waxaa khilaafay Aldaarimi wuxuuna yiri: waa xaaraan in la fiiriyo).

أسنى المطالب في شرح روض الطالب 3/113

Xaaska galmada foorarka maxay u diiddaa

 

Riyada galmada dabada

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More