Fasirka Riyada Qof ku kufay suuq Riyooyinka - Dreams By Su'aalaha On Jan 16, 2021 506 0 Su’aasha: Waxaan xaley ku riyooday ani iyo Hooyo oo isla socono waxaana soconay meel dhiiqo badan oo suuq ah, xitaa kabta ayaa iga siibmatay markaasaan intaan dib u laabtay ayaan soo gashtay hooyo ayaan ku dhahay meeshaan meel dhiiqo badan waaye maad naga dhaaftid iyadana wexee idhahday waa caadi markaan suuqii gudaha u galnay hooyo qof sabiibaxay dhiiqadii ayay igula ekaatay si tartiibna gab ugu dhahda miis meesha yaalay koley hadal baan ku dhahay inkastoo aan xasuusan waxay igu tiri marka riyadaas oo kale maxaa lagu tarjumi karaa wll. Fasirka Riyada Qof ku kufay suuq Jawaabta: Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad gali doontaan dhibaato iyo rafaad waxay noqon kartaa khasaaro kaaga imaan karto dhinac walba haddaad tahay ganacsade ama qof wax kale ka shaqaynayo. waliba suuqa waxaa laga fahmayaa khasaarada xagga hantida inay noqonayso. Dhiiqada guud ahaan waa dhib iyo murug xagga nolosha marka lagu dhex kufo waxay sii caddeynaysaa dhibka inaad ku dhici doonto. Marka Ilaahay ha idinka leexiyo sharta. Raadraac Riyada DhiiqadaRiyada DhooqadaRiyada KabahaRiyada Kabo La'aantaRiyada Suuqa 0 506 Share