Site icon Daruur درور

Fasirka riyada isbitaalka iyo dhakhtarka

Su’aasha:

Asc walal

Waan idiin salaamay marka hore salaan kadib Xaaskeyga waxay ku riiyootay ayada xanuunsan isbitaal loo qaaday marka Dhaqtarka loo geeyay wuxuu dhahay waxad aqrisata 3 Suuradaha oo quraanka ku taalo kuwas oo kala ah.

1. Suratul Fatixa
2. Suratul Mujadala
3. Suratul Kaaf

Fasiirka Riyada macna nooce ayay leedahay xaaskeyga waxay leedahay uur 7 bilood ah bal sida ugu dhaqsiyaha badan igu soo jawaba fadlan.

Fasirka riyada isbitaalka iyo dhakhtarka
Fasirka riyada isbitaalka iyo dhakhtarka

Jawaabta:

Waxay ku furmeysaa haddii Alle idmo riyadan in xaaskaaga nabad ku dhalli doonto oo wax dhibaato aysan kala kulmaynin uurka iyo dhalmada. fasirka riyada isbitaalka marka loo eego xaaladda uurka xaaska fasirka sidan ayuu noqonayaa, teeda kale quraanka waa daawo iyo badbaado, maadaama uu dhakhtarka sidaa faray waa bishaaro samatabax iyo badbaado caafimaad iyo guul xagga dhalmada.

Exit mobile version